4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2018
Dowladda Kenya ayaa ka walaacsan khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta

Axad, May, 06, 2018 (HOL)–Warkan oo Lagu Daabacay Wargeyska The Nation ee ka soo baxo Dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya ay si weyn uga walaacsan tahay Khilaafka sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Wargeyska ayaa intaasi ku daray in dowladda Kenya ay Aamin san tahay in tartanka ay ugu jiraan dowladdaha Carbeed uu sameyn weyn uu ku yeelan doono howlgalka Nabaddeynta Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Kenya ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in Soomaaliya la ilaaliyo Madax banaanideeda, islamarkaana laga joojiyo faragelinta.

Dhanka kale dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Kenya uu sheegay in faragelinta Shisheeye ay sameyn ku yeelan doonto howlgallada Ciidamada AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa si weyn u xumaaday ka gadaal markii Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho lagu qabtay lacag lagu qiyaasay in ka badan 9 Malyan oo Doollar oo lagu keenay diyaarad ay Iimaaraadku lahaayeen taasoona markii dambe ay Dawladda Soomaaliya la wareegtay taasi ayaana sababtay in Dowlada Imaaraadka ay joojiyaan hawlihii la xiriiray tababarrada Ciidamada Soomaaliya  ee ay soo wadeen tan iyo 2014.

Soomaaliya oo in muddo ah ku dadaalaysay in aysan qayb ka noqon xurgufta u dhaxaysa dalalka khaliijka, ayey iminka u muuqataa inaysan sinaba uga fursan doonin, bacdamaa marka dib loo tixraaco cilaaqaadka sii xumaanaya uu salka la galayo arrimo aan ka fogayn saamaynta Turkiga iyo Qatar oo dhinac ah ay ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya.


Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya