4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2018
Soomaaliya iyo China oo yeelanaya xiriir warbaahinneed

 

Axad, May, 06, 2018 (HOL) – Koox wariyayaal ah oo isugu jira warbaahinta madaxa-bannaan iyo tan dowladda Soomaaliya ayaa safar shaqo ku maraya dalka China, kaddib martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen wasaaradda arrimaha dibeda dalka Shiinaha.

Ujeedada safarkan ayaa ku qotonta sidii labada bulsho ay xogaha isugu gudbin lahaayeen iyadoo dhinaca kale sare loo qaadayo xiriirka warbaahinneed ee labada dal.

Wariyayaashan ayaa ka kala socda warbaahinta dowladda sida wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Hiiraan Online, SBC, Universal TV, Goob joog iyo Tv-ga laga leeyahay dalka Shiinaha ee CCTV.

Chen Tao oo ah u qeybsanaha wasaaradda arrimaha dibeda Shiinaha dhinaca Warfaafinta ayaa sheegay in booqashadan noqon karto mid soo jiidata Idhaha shacabka labada dowladood, islamarkaana daaha ka rogi doonta taariikhda qarsoon ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Wuxuu kaloo sheegay in ay siweyn u daneynayaa xiriir dhaw oo dhaxmara warbaahinta labada dowladood, iyadoo leys dhaafsanayo xogta iyo wararka la xiriira arrimaha bulshada iyo siyaasada, dhinaca kalana dowladda Shiinaha ka caawin doonto warbaahinta Soomaaliya dhinacyada tababarada.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadalla oo hogaaminaya kooxdan wariyayaasha ah ayaa sheegay safarkani yahay qorshe cusub oo la doonayo in lagu xoojiyo dhinacyada saxaafadda, dhaqanka iyo xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyadoo loo sii mari doono labada bulsho ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Ku-xigeenka agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibeda waaxda Africa u qaabilsan Hu Zhang Liang ayaa sheegay in Soomaaliya la leeyihiin xiriir aan dano siyaasadeed laga laheyn, isaga oo intaa ku daray in dowladda Shiinaha ka warqabto in ay jiraan dowladdo kale oo fara-galin ku haya Soomaaliya.

Booqashada kooxdan wariyayaasha ah ayuu ku tilmaamay Hu Zhang mid baal cusub u firi doonto iska warqabka labada dowladdood oo masaafo ahaa aad u kala fog maadaama ayuu yiri warbaahintu tahay aalad xoog badan loo adeegsan karo isku soo dhawaashiyaha xogta dowladdaha.

Magaalada Beijing oo ay ku nool yihiin dadka kor u sii dhaafaya 20 milyan oo ruux waa magaalo degan oo aan buuq laheyn, qof kastana si gaar ah ugu foogan yahay howl-maalmeedkiisa shaqo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]