3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2018
Wejigii labaad ee Barnaamijkii shaqaaleeysiinta dhalinyarada oo laga daahfuray Muqdisho
Axad, May, 06, 2018 (HOL) -Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo daah furay wajiga labaad ee Barnaamijka Shaqaaleysiinta Dhalinyarada Gobolka ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saari doono sidii loo dar-dar gelin lahaa Barnaamijkan.

Guddoomiye Yariisow ayaa Tilmaamay in wajiga Labaad ee Barnaamijkan ay ka faa'ideysan doonaan kun dhallinyaro ah oo horey loo shaqaaleysiiyey muddaddo 6 bilood ah Hadana uu Maamulka Gobolka mudnaanta uu siinayo si loo joogiyo qorshayaasha ku saabsan shaqaaleysiinta dhalinyarada.

“Maamulka Gobolka waxaa ka go’an in uu fursadahan oo kale u hir-geliyo dhammaan dhalinyarada Gobolka. Iyadoona laga shaqeeynayo sidii dhammaantood ay u noqon lahaayeen qeybo wax barta iyo kuwo loo abuuro fursado shaqo, taasina waxay ku hir gelaysaa iskaashi dhammeystiran oo dhammaanteen la nimaadno.”

Dhalinyarada dib loo howl geliyey ee qeybta ka ah barnaamijka shaqaaleysiinta ayaa ka warbixiyey faa’iidada uu ku soo kordhiyay nolashooda, gaar ahaan khibraddooda shaqo, iyagoona muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay labo laabaan dadaalkooda ku aaddan sidii ay ugu adeegi lahaayeen dalka iyo dadkooda.

Dhanka kale munaasabaddan lagu daah furayey barnaamijka shaqaaleysiinta dhalinyarada Gobolka Benaadir waxaa hadallo ka jeediyey Guddoomiye Ku-xigeennada Amniga iyo Siyaasadda, Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed , Xildhibaanno iyo masuuliyeen kale oo heer gobol iyo degmo ah.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya













Click here

5/6/2018 11:43 AM EST
Axad, May, 06 ,2018 (HOL) – Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa qaadacay in hore loo soo raro dabaaldega 18 May oo xukuumadda Somaliland hore usoo rartay bisha Ramadan darteed.

5/6/2018 11:10 AM EST
Axad, May, 06, 2018 (HOL) -Wafdigan oo uu horkacayay raysul wasaare kuxigeenka dalka Mudane Mahdi Max’ed Guuleed ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere, waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka gedo iyo kan degmada Baardheere iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

5/6/2018 10:36 AM EST
Axad, May, 06, 2018 (HOL) -Munaasbaddan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay siyaasiyiinta, odoyaal dhaqameed, dhalinyaro iyo haween, ayadoo munaasbad looga dhawaaqay Goleloogu magacdaray “Golaha soo celinta dimuqraadiyadda dowlad goboleedka Jubbaland” kaa oo uu hogaamin doono wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi.

5/6/2018 10:25 AM EST
Axad, May, 06, 2018 (HOL) -Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab uu maanta ka dhacay duleedka degmada Baydhabo ee deegaanka Daynuunay ee gobolka Baay, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

5/6/2018 8:23 AM EST
Axad, May, 06, 2018 (HOL)–Warkan oo Lagu Daabacay Wargeyska The Nation ee ka soo baxo Dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya ay si weyn uga walaacsan tahay Khilaafka sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

5/6/2018 6:58 AM EST
Axad, May, 06, 2018 (HOL)–Koox wariyayaal ah oo isugu jira warbaahinta madaxa-bannaan iyo tan dowladda Soomaaliya ayaa safar shaqo ku maraya dalka China, kaddib martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen wasaaradda arrimaha dibeda dalka Shiinaha.

5/6/2018 3:02 AM EST
Axad, May, 06, 2018 (HOL) -Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa dalka Itoobiya ayaa xabsiga kubooqday C/kariin Muuse Qalbi-dhagax, kaa oo mudo ku dhawaad 10 Bilood u xiran dowladda Itoobiya.

5/6/2018 2:43 AM EST
Axad, May, 06, 2018 (HOL) -Qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Galmudug oo Warbaahinta la hadlay ayaa ugu Baaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir in uu kusoo laabto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

5/6/2018 2:32 AM EST
Axad, May, 06, 2018 (HOL) -Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guddiggii dowladdu ay dhawaan u xil saartay Fatahaadda labada Wabi ee Shabeelle iyo Jubba ayaa lagu waddaa in ay maanta gaaraan Magaalooyinka ...