4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2018
Madaxweynaha Jubbaland oo Xabsi ku yaal Itoobiya Ku booqday C/kariim Muuse Qalbi-dhagax
Axad, May, 06, 2018 (HOL) -Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa dalka Itoobiya ayaa xabsiga kubooqday C/kariin Muuse Qalbi-dhagax, kaa oo mudo ku dhawaad 10 Bilood u xiran dowladda Itoobiya.

Qalbi-dhagax oo ah Muwaadin Soomaaliyeed ayay 27-dii Agoosto diyaarad loo saaray Itoobiya sida ay xaqiijisay jabhadda uu ka tirsanaa ee ONLF oo soo saartay war qoraal ah, waxaana intaa kadib uu ku jiray xabsi ku yaal Itoobiya.

Bogga Facebook ee madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lasoo dhigay Madaxweynaha Jubbaland oo la sawiran Qalbi-dhagax, iyadoo lagu sheegay in madaxweynuhu kala hadlay dowladda Itoobiya sidii muwaadinkaasi Soomaaliyeed uu dib xoriyadiisa ugu heli lahaa.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jubbaland oo ay wehlinayaan wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland Mudane Max’ed Warsame Darwiih, Wasiirka cadaaladda, dastuurka iyo arimaha Diinta Jubbaland ayaa kulamo la qaatay raysul wasaaraha Itoobiya.

“Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya oo maalmahan uu howlo shaqo ku joogay kula kulmay Ra"iisul Wasaaraha Dowlada Itoobiya Mudane Abiyi Axmed,” ayaa lagu soo qoray bogga gaarka ah ee Madaxweynaha, ayadoo aan faahfaahin laga bixin waxyaalaha looga hadlay kulankaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.