4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2018
Gudiga ay dowladda u xilsaartay Fatahaadaha oo lagu wado in ay gaaraan Hiiraan iyo Gobolka Gedo

Axad, May, 06, 2018 (HOL) -
Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guddiggii dowladdu ay dhawaan u xil saartay Fatahaadda labada Wabi ee Shabeelle iyo Jubba ayaa lagu waddaa in ay maanta gaaraan Magaalooyinka Baardheere iyo Baledweyne oo ah meelaha ugu daran ee ay saameeyeen fatahaadihii webiyadaasi.

Xubnaha Wafdigan oo ku wajahan Baledweyne ayaa la filayaa in ay halkaasi gaarsiiyaan gargaar hor leh, halka midka ku wajahan Baardheere ay soo qiimeyn doonaan Xaaladda ka jirta Deegaanada uu ku Fatahay Wabiga Jubba.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa shaaciyay in horay Hal Milyan oo Doolar dawladdu ugu deeqday gurmadka haseyeeshee dhibaatada ay daadadku geysanayaan oo soo korortay darteed ay dawladdu mar kale ku yaboohday Lacag kale oo gaareyso Nus Milyan doolar oo dheeraad ah si wax looga qabto Dhibaatada Fatahaadaha oo sii kordhaya.

“Warbixinta aan helnay ayaa sheegeeysa in deegaanno kale oo badan ay daadad saameeyeen, marka dawladdu waxa ay bixineysaa Nus Malyuun dheeraad ah si loogu gargaaro dadka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenku.

Ugu Dambeyntii Mudane Mahdi Ra'iisul wasaare ku xigeenka Dalka ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ee wax heesta ay ka qeyb qaataan gurmadka si loo badbaadiyo Kumanaanka Ruux ee dhibaatadu kasoo gaartay daadadka.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya