4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2018
Nin afar qofood oo qoyskiisa ah ku dilay degmada wadajir


Sabti, May, 05, 2018 (HOL) - 4 ruux oo isku qoys ah ayaa geeriyooday ka dib markii Nin ku hubeysan Qori A-k 47 uu ku dilay degmadda Wadajir ah ee Gobolka Banaadir.

Qofkaan dilka geystay ayaa ku ehel ahaa dadka uu dilay waxaana ka mid ahaa xaaskiisa, walaashiis iyo waliba laba nin oo ay ima adeer ahaayeen.

Falkan dilka ah ayaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka loo yaqaaano sifeeynta badroolka oo ku taalla duleedka Degmada Wadajir. Ninka dilka geystay ayaa la sheegay in uu shalay soo iibsaday qoriga uu wax ku dilay oo ahaa AK 47.

Gacan ku dhiiglahaan oo markii dambe is-dilay ayaa waxa lagu macagacaabi jiray  Cabdulqaadir Caddaan, waxaana dadka uu dilay lagu kala magacaabaa Xaawo Maxamuud Caddaan oo ah Walaashiis, C/llaahi Maxamed Yalaxow iyo Maxamed Tuur-yare oo ay Ilmo Adeer ahaayeen iyo Xaaskiisa Xaliimo Xuseen Cali Kowshe.

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay dhacdadaan, walow aan ilaa iyo hada la ogeyn sababta ka dambeysay Arintaan waxayna laamaha amaanka sheegeen iney Baarayaan falkaan naxdinta leh.