4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2018
Baarlamanka Gal-mudug oo ansixiyay Dastuurka iyo Astaanka maamulkaasi
Sabti, May, 05, 2018 (HOL) -Kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb Xildhibaannada Gal-mudug ayaa waxa ay ku ansixiyeen qodobo dhowr ah oo ay ka doodaayeen maalmihii lasoo dhaafay.

Xildhibaannada Gal-mudug ayaa Ansixiyay Astaanta iyo Dastuurka cusub ee maamulka Gal-mudug iyo sidoo kale isku darkii Xildhibaannada Gal-mudug iyo Kuwa Ahlusunna.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, waxaana sidoo kale goobta ku sugnaa ku xigeenkiisa  labaad.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya