4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2018
Raysul wasaare Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay, kana warbixiyay shirkii Brussels

Sabti, May, 05, 2018 (HOL) -Ra'iisul wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shir Jaraa'id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay Safarkii ay dhawaan isaga iyo wafdi uu hogaaminaayay ku tageen Dalka Belgiamka iyo kulamadii ay la soo yeesheen Madax kala gadisan oo ku sugnaa Magaalada Brusels.

Mudane Kheyre ayaa ugu horeyn sharaxay waxyaabihii ka soo baxay shirkii Brussels iyo madaxdii uu la kulmay.

Ra'iisul wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa kulankii ugu horeeyay waxaa ay la yeesheen Dhiggiisa Dalkaasi Beljimka, waxayna ka wada hadleen sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen Arrimaha Amniga hormarinta dhaqaalaha, la dagaalanka Argagaxisada, iyo horumarinta Federaleynta oo dalka Beljimka ay khibrad dheer ka haystaan.

Sidoo kale wafdiga ra'iisul wasaare Kheyre ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay Madaxa Siyaasadda Midowga yurub, Madaxda Dhinaca Horumarka ee Yurub, Arrimaha Gargaarka iyo Wax soo saarka, sida kaluumeysiga.

Dhanka kale, waxaa ay kulan la qaateen Dhammaan Safiirrada wadamada Midowga Yurub ku bahoobay ee u qaabilsan Arrimaha Amniga iyo siyaasadda oo ay kala hadleen Arrinta Amniga ee Soomaliya.

Dhanka kale Waxaa jiray Shir uu Ra'iisaul wasaaraha shir gudoominayay oo ay ka qeyb galeen dhamaan Deeq bixiyayaasha caalamka kaasoo looga hadlayay Mashruuca dib u habeynta Ciidanka Xooga iyo sidii ay ula wareegi lahaayeen Amniga Guud ee Dalka, waana la ansixiyay Mashruuca kala guurka ee amniga sida uu Ra'iisaul wasaaraha ku sheegay shirkiisa jaraa'id ee maanta.

Mr Kheyre ayaa yiri "Waxaan soo aragnay Dowlado badan oo sheegay in ay Soomaaliya furtay taariiq cusub oo aan horay loo arag, Soomaaliya in ay dajisay bog cusub, Soomaaliya in ay leedahay fursad cusub, waxayna aaminsanaayeen in caawinaadda hada Soomaaliya ay caawinaayaan ay ka duwan tahay middii hore".

Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya waxaa ay ku hashiiyeen arrimahan:-

1). In midowga Yurub uu siiyo Soomaaliya kaalmo dhaqaale oo lagu kabaayo miisaaniyadda dowladda oo gaareyso 100 milyan oo Euro oo u dhiganta 120 milyan oo Dollar waxaana loogu soo shubi doonaa Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

2). Mashruuca dib u dhiska Ciidanka iyo Amniga in lagu kaalmeeyo 80 milyan Euro oo u dhigmo 100 milyan oo Dollar.
3). in Dowlada Soomaaliya laga kaalmeeyo hormarinta qeyraadka sida kaluumaysiga.

4). In Dowlada Soomaaliya laga Kaalmeeyo ka hortagga jaridda Dhirta, Nabaad guurka iyo dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah.

Ugu dambeyntii shirka sanadlaha ah ee looga hadlo arrimaha Soomaaliya ee lagu qabto Brusels sanad walba ayuu sheegay in sanadkan 26-ka June ay ka qeyb gali doonaan dhammaan Madaxda Soomaaliyeed iyo Dad badan oo Soomaaliyeed kaas oo lagu falanqeyn doono sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhaqaalo iyo siyaasadba.

Waxuuna yiri "Safarkii Yurub iyo wada shaqeynta Dowladda soomaaliya iyo midowga Yurub waxaan soo aragnay dowlado badan oo aaminsan in Soomaaliya cusub ay dhalatay".


Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya