4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2018
Trump oo sheegay in magaalada London ay tahay Furin dagaal

Sabti, May, 05, 2018 (HOL) -Donald Trump Madaxweynaha dalka Maraykanka oo maanta la hadlayay Ururka Qaranka Mareykanka ee u Olaleeyo Dadka Hubka haysto  ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay in Magaalada London ee Caasimadda Ingiriiska ay tahay furin dagaal.

Hadalka Mr Trump oo dad Badan siyaabo kala gadisan uga hadleen ayaa hadana  waxaa uu aad uga carreysiiyay Shacabka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda UK.

Madaxweyne Trump ayaa dambiyada toorida lagu geysto ee London ka dhaca waxaa uu ku tilmaamay in isbitaal magaaladaas ku yaalla ay ka dhigtay sidii furin dagaal oo kale.

“Mar dhow waxaan akhriyay sheeko ku saabsan in London ay leedahay sharci adag oo an la rumeysan karin oo ku saabsan hubka, kadib waxaa dhacday in isbitaal ahaan jiray kan ugu wanaagsan oo bartamaha ku yaalla uu isu badalay sidii furin dagaal oo kale dhaawacyada la keenayo ee mindida” ayuu yiri Trump.

“Qoryo ma heystaan, balse waxa ay helayaan mindiyo, dhiig ayaana qubanaya isbitaalka gudihiisa, waxaa la sheegay in uu u egyahay isbitaal ciidan dagaal ku jira oo kale, toori, toori, toori” ayuu yiri isaga oo gacanta ku tilmaamaya ficilka toori galinta qof.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump  ayaa Waxaa uu hadalkan jeediyay ka dib markii uu kulan la qaatay maanta ururka Qaran ee  Maraykanka ee u ololeeya dadka hubka heysta.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya