4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2018
Ciidamada gaarka ah ee ilaalada Madaxtooyada Qaranka oo tababar loo soo xiray [Sawirro]
Sabti, May, 05, 2018 (HOL) -Wasiir ku-xugeenka Gaashaandhigga Soomaaliya C/llaahi Colaad  Rooble iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeya Gaas Cabdiweli Jaamac Warsame (GOROD) ayaa maanta tababar usoo xiray ku dhowaad ilaa labo boqol oo askari oo ka mid ah Ciidanka Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyadda Qaranka.

Xafladda soo xiridda tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay  wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga, Agaasime ku xigeenka madaxtooyadda, Taliyaha ciidanka Badda, saraakiil ka socda xoogga dalka iyo masuuliyiin kale.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeya Gaas Cabdiweli Jaamac Warsame (GOROD) ayaa sheegay marka hore in ciidanka ilaalada Madaxtooyada ay ka duwan yihiin dhammaan ciidanka xoogga dalka, sababtuna tahay iney ka howl galaan xarunta ugu weyn ee dalka laga maamulo iskuguna yimaadaan madaxda oo idil, wuxuu sheegay in tababarka ay qaataan wax badan ay ka badaleen shaqooyinkooda.

Taliye Gorod ayaa ku amaanay saraakiisha ciidanka inay had iyo goorba u taagan yihiin kor u qaadista aqoonta iyo tayada ciidanka, wuxuuna cadeeyay in tababaradaan oo kale iskuguna jira gudaha iyo dibadda lasii laba-laabayo.

Ugu Dambeyntii Dufcada Tababarka loo soo xeray ayaa noqonaysa tii afaraad, iyadoo ay horay u jireen sedex difcad oo tani ka horaysay waxaana sida lasheegay jiri doono tababaro kale oo lasiinayo ciidanka Ilaalada madaxtooyadda dalka.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya