4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2018
Maamulka Hir-shabeelle oo ka mahadceliyay doorka ay dowladda ka qaadatay fatahaadihii webiga Shabeelle

Sabti, May, 05, 2018 (HOL) -Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle, Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, ayaa ka mahad celiyay doorka ay Dowladda federaalka Soomaaliya ka geysatay fatahaadda uu Webiga Shabeelle ka geystay Magaalada Beledweyne.

Sheekh Cusmaan ayaa tilmaamay inay jiraan dadaallo balaaran oo ay waddo Dowladda dhexe halkaasna ay gaareen madaxda ugu sarraysa Dalka, balse ayan ku fillayn, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in lasii Laba laabo howsha socota.

Guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre ,ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan Lacago  badan oo ay ku deeqeen Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah maamullada Dalka iyo Bulshada Hirshabeelle, wuxuuna intaa raaciyay inay jiraan ballanqaadyo ka imanaya Dowlad Goboleedyada iyo hay’adaha samafalka.

Sheekh Cusmaan ayaa Dadka ku barakacay daadadkii ka dhashay fatahaadda ku qiyaasay Boqol Kun oo Qoys, wuxuuna intaa raaciyay inay jiraan dhimasho, bur-bur hantiyeed iyo khasaarooyin kale oo sida looga soo kabtaa ay adag tahay.

Hay’adaha gargaarka ayuu ugu baaqay inay sii Laba laabaan dedaallada lagu samata bixinayo Dadka ay saamaysay fatahaadda, isagoo  walaac ka muujiyay Garoonka Diyaaradaha oo ku xirmay Roobab iyo Daadad is biirsaday, taasoo gaabis ku keeni karta gurmadkii loo fidin lahaa Dadka ku tabaalaysan duleeddada Magaalada Baladweyne.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya