4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2018
Shirkii Horumarinta Ganacsiga dowladda Japan iyo dalalka Afrika oo lasoo gabagabeeyay

Sabti, May, 05, 2018 (HOL) -Magaalada Johannesburg ee dalka South Africa ayaa maanta lagu soo gabangabayay shirka wadamada Africa iyo Japan oo looga hadlayey  horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga labada dhinac.

Shirkaas waxaa Soomaaliya uga qaybgalaya wasiir dawlaha arrimaha dibadda Cabdiqaadir Axmed khayr iyo mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya, waxaana shirkaasi diiradda lagu saaray xoojinta hay’adaha dhaqaalaha dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Africa, kana faa’iidaystaan maalgashiga Japan.

Wafdiga wasiir dawlaha ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la qaatay Wasiir ku xigenka wasaaradda arrimaha dibadda Japan, waxaana ay ka wada hadleen iskaashiga gaarka ah ee labada dal ka dhexeeya sidii loo xoojin lahaa.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya