4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2018
Saraakiisha AMISOM oo walaac ka muujiyay habka loo diyaarinayo ciidanka Qaranka Soomaaliya

Sabti, May, 05, 2018 (HOL) -Qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee faraya in ciidamada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay dalka isaga bixi doonaan sanadda 2021 ayaa muran ka dhex dhaliyay saraakiisha ciidamada AMISOM, kaa oo ku saabsan diyaarinta ciidanka Qaranka Soomaaliya si ay ula wareegaan masuuliyaddaasi.

AMISOM ayaa bilowday in ay dhinto ciidamadeeda sanaddii aynu kasoo gudubnay, ayadoo tiradii hore oo ahayd 22,000 ay ka dhigeen ilaa 21,000 oo askari.

Waddan walba oo kamid ah dalalka ay ka socdaan ciidamada howlgalka AMISOM ayaa ugu yaraan dhimay ciidamada ka jooga Soomaaliya qiyaastii 250 askari, sida laga soo xigtay Col Richard Omwega, oo ah afhayeenka xoogagga AMISOM, kana  tirsan ciidamada difaaca Kenya.

“Kadib 10 sano oo aan dalka Joognay, Qaramada Midoobay waxay dooneeysaa in ay xoojiso ciidamada qaranka Soomaaliya, laakiin marxaladda kala guurka ah waa mid ku saleeysan shuruud, waa in uu jiraa dal xasiloon marka aan ka baxeeyno,” ayuu yiri Omwega.

Sida ay saraakiishu xaqiiijiyeen, Marka la eego qorshaha ka bixitaanka, 1,000 askari oo kale ayaa bixi doona bisha OKtoobar ee sanadkan, kuwaasoo ka imanaya ciidamada furimaha jooga, waxayna ciidamadan ka koobnaan doonaan dhammaan dalalka ay ciidamooda ka tirsanyihiin AMISOM.

Marka laga reebo Kenya iyo Uganda, AMISOM waxaa kamid ah ciidamo ka socda dalalka Brundi, Itoobiya iyo Jabuuti.

Doodda ugu weyn waxa ay ka dhex jirtaa taliyeyaasha ciidamada AMISOM, kuwaa oo is weeydiinaya in mudo sedex sano gudahood ah lagu heli karo rajada ay Qaramada Midoobay ka qabto ciidanka qaranka Soomaaliya.


“Waa in la bedelo habka ciidamada Qaranka Soomaaliya ay u tababartaan oo loo diyaarinayo, waa kuwo si fiican u tababarn laakiin aan si wanaagsan ugu diyaarsaneyn in ay culeyska la wareegaan,” Sidaa waxaa yiri Brig Paul L’Okech, taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya.

“Waxay u baahantahay in si fiican gacanta loogu qabto arintan, haddii kale waxaan dib ugu laaban karnaa halkii hore,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay ku qalabeeyneeyso ciidanka Qaranka Soomaaliya si ay ula wareegaan ammaanka dalka, waxaana shirar looga hadlayo arintan lagu qabtay dalal kala duwan, ayadoo ay ugu danbeeysay shirkii lagu soo gabagabeeyay dalka Biljimka ee uu shir gudoominayay Raysul wasaare Khayre, kaasoo diiradda lagu saarayay dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.