4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2018
Taliska Booliska Baydhabo oo shaaciyay in Gaadiidka Bajaajta laga mamnuuci doono degmadaasi

Sabti, May, 05, 2018 (HOL) -Taliyaha Ciidamada Booliska Baydhabo Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyeyaal ku aaddan in magaalada laga joojiyo Gaadiidka Bajaajta ah, kuwii horay u yaallay ma ahane wax cusub oo hadda ka dib la keenayo aysan jiri doonin waxii hada ka dambeeyo.

"Bajaaj Warkeeda waa uu dhamaaday mar danbe baladka lama keeni doono, Amarka Gobolka uu dhiibay  iyo degmadaan raaceynaa, Raggii Mootooyinkaasi keeni jirayoow meel kale haku war wareegina, Warka uu Gudoomiyaha Gobolka uu ku hadlay ayaa soconaayo,Wasaaradda Gaadiidka way la ogtahay, Bajaaj inta hadda taallo oo aan burburin mid kale lama keeni karo, Amarka la dhiibay waa kaas, markii ay kuwan dhamaadan ayaa xoogaa kale la keeni karaa oo ay ogaan doontaa Maamulka, Cidii Amarkaasi burisa waa lagala wareegayaa," ayuu taliyuhu hadalkiisii raaciyay.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ay Meel marin doonaan Amarka Maamulka Gobolka iyo Kan Degmada, islamarkaana ay xakameyn doonaan Bajaajta si xad dhaafka ah loo soo galinayo Magaalada si mar kale Mooto Bajaajta hor leh u soo galin ilaa amar dambe.

Arrintaan ayaa waxaa ay caqabad weyn saameyn ku yeelan doontaa Ganacsatada iyo Raga ku shaqeysto Gaadiidkan Bajaajta ah, ayadoo qaar kamid ah dadka ku shaqeysta gaadiidka bajaajta ay sheegeen in ay aad uga xunyahay amarkan kasoo baxay taliska Booliska, ayna u arkaan mid caqabad ku ah noloshooda, maadaama ay ganacsigan ku tiirsanyihiin.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.