4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2018
Dib u dhac ku yimid Imtixaanaadkii Dugsiyada sare ee Baladweyne, kadib Fatahaadihii dhacay

Sabti, May, 05, 2018 (HOL) -Ilaa iyo 10 Iskuul oo ku yaalla Magaalada Beledweyne ayaa ka baaqan doona Imtixaanka Dalladda sida ay sheegeen Maamuladda Iskuulladda Magaalada Baledweyne sababtuna waa Biyaha Fatahaada uu xarumaha Dhax fadhiyo.

Qaar ka mid ah maamuladda Iskuuladda waa Xaqiijiyay in Maanta ay imtixaanka dalladda ay ka baaqan doonaan in ka badan ilaa iyo 1000 kun arday oo ka qalin jibin la heyd Dugsiyadda Sare ee Magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha guud ee Iskuuladda Magaalada Beledweyne Axmed Dhaqane ayaa warbaahinta u sheegay in aysan heli karin goobo lagu qaado Imtixaanka, islamrkaana dhammaan Iskuulladdii ay biyo Fadhiisteen.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dadka kunool Magaalada ay ku sugan Xaalad adag, islamarkaana ay u baahan yihiin in la badbaadiyo.


Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.