Dowladda China oo sheegtay in Soomaaliya ay la leedahay xiriir wanaagsan oo soo jireen ah
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Ku-xigeenka Agaasimaha guud ee
wasaaradda arrimaha dibada dowladda China Hu Zhang Liang ayaa sheegay in uu uu jiro xiriir qota dheer oo soo jireen ah
oo dowladda China kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.
Agaasimaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan maanta uu la
qaatay Wariyayaal ka kala socday warbaahinta gudaha Soomaaliya oo booqasho 11
cisho ah ku jooga magaalada Beijing ee caasimadda u ah dalka China.
Wariyayaashan oo uu horkacayo agaasimaha guud ee Wasaaradda
Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf AlCadalla ayaa kala socda xarumaha
warbaahinneed ee kala ah Hiiraan Online, SONNA, Universal TV, Goobjoog, CCTV iyo SBC.
Hu Zhang ayaa uga mahad celiyay kooxdan wariyayaasha ah safarka
ay ku joogaan dalka China oo uu ku tilmaamay mid dib boorka uga jafi doono sidii Idhaha bulshada
Soomaaliyeed loogu soo jeedin lahaa doorka China ay ku leedahay dib u soo
kabashada dalka Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in uu arkayo rajo wanaagsan
oo laga qabo in Soomaaliya mar kale cagaheeda dib isugu taagto.
‘’Waxaan ka taageernaa Soomaaliya dhinacyda Amniga iyo
siyaasada, gaar ahaan maalgalinta howlgalka midowga Africa AMISOM’’ ayuu yiri Hu Zhang.
Wuxuu intaa ku daray in wallow marmarka qaar ka dhacaan
Soomaaliya falal ka dhan ah nabad-galyada in haddana dowladda China ku
dhiiratay in ay safaarad ku yeelato magaalada Muqdisho kuna shaqeyso.
‘’Hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho oo mar xarun ahaa
safaaradeena Qarax ayaa lala eegtay qof shaqaalaheena ka mid ah ayaa nooga
dhintay, laakiin taa nama cabsi galin, waxaan ku dhiirannay in aan wali ka sii
shaqeyno gudaha dalka Soomaaliya, halkaa oo uu safiirkeenu fadhiyo’’ ayuu yiri Hu
Zhang.
Xiriirka labada dowladdood ayuu sheegay in uu
yahay mid aan laga laheyn dano siyaasadeed oo gaar ah laakiin kaliya uu ku
qotomo sida uu hadalka u dhigay saaxiibtimo iyo in bulshada Soomaaliya
laga caawiyo dhinacyada Amniga, dib-u-dhiska iyo siyaasada iyadoo aan wax sharuud ah lagu
xirin.
Dhinaca kale, Chen Tao oo ah ku-xigeenka agaasimaha waaxda
warfaafinta wasaaradda arrimaha dibeda oo la kulmay kooxdan wariyayaasha ah
ayaa sheegay in dowladda China daneyneyso xiriir wanaagsan oo dhinaca warbaahinta ah oo dhaxmara labada dhinac iyadoo leys dhaafsanayo xoggaha ku saabsan arrimaha bulshada iyo tababaro la siiyo wariyayaasha.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]