3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2018
Shirkadda Dahab-shiil Group oo deeq raashiin gaarsiisay shacabka ay sameeyeen Fatahaaddii Baladweyne
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Deeqdan Raashinka ah oo ay Shirkadda Dahab-shiil Group maanta soo gaarsiiyeen Dadkii ka Barakacay Fataahaadda Wabiga Shabelle ee Magaalada Beledweyne ayaa loogu qeybiyay  deegaanka Ceel-jaalle oo ah halka dadka ugu badan ay ku barakaceen.

Maamulka Shirkadda Dahab-shiil Group ee Gobolka Hiiraan  Xaaji Cismaan Dhagaxow ayaa sheegay  in Kaalmadan la gaarsiin doono dhammaan dadkii ay saameysay fatahaadda wabiga oo ay qeyb ka yihiin ilaa iyo  40 tuullo oo labada dhinac  ee waqooyi iyo Galbeed ka xiga Magaalada Beledweyne, waxuuna intaasi ku daray in aysan intaan ku ekaan doonin oo ay sii wadi doonaan Deeqda xitaa ay shirkaddu u furtay Account-yo si ay uga qeyb qaataan bulshada Soomaaliyeed.

Maamulka Gobolka, Odayaasha iyo Qaar ka mid ah dadka maanta deeqdan Raashiinka ah la siiyay ayaa ka mahad celiyay Kaalmada  Shirkadda Dahabshiil Group, waxayna baaq u direen Umadda Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan iyo Shirkadaha kale ee Ganacsiga in aan sidan looga aamusin islamarkaana wali ay jirto baahiyaha Dadku ay qabaan.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow  ayaa sheegay  in Dahabshiil Group ay Tahay shirkaddii ugu horeysay ee ka jawaabto baaqoodii ahaa in Dadka ku wax yeellobay fataahadda la caawiyo, waxana uu u mahad celiyay maamulka shirkada Dahabshiil.

Deeqdan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo la so gaarsiiyo dadka ay saameysay fataahadda wabiga Shabelle ee Magaalada Beledweyne, walow Deeqo badan oo dawo u badan ay ka degaan Magaalada Dhuuso-mareeb ee Gobolka Galgaduud walina aysan soo gaarin Beledweyne.


Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.












Click here
5/4/2018 12:16 PM EST
Jimco, May, 04, 2018 (HOL)-Ku-xigeenka Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibada dowladda China Hu Zhang Liang ayaa sheegay in uu jiro xiriir qota dheer oo soo jireen ah oo dowladda China kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.

5/4/2018 10:13 AM EST
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Mudane Xasan Cali Khayre oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Brussels ee dalka Biljimka, halkaa oo uga qeybgalayay shir looga hadlayay arimaha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah jaaliyadaha Soomaalida ee Qaaradda Yurub.

5/4/2018 8:24 AM EST
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Ayadoo kulan ay dhawaan yeesheen golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland qodobadii kasoo baxay ay kamid ahayd dib u howlgelinta garoomada diyaaradaha magaalada Afmadow iyo Dhoobleey ayaa waxaa maanta markii ugu horeeysay magaalada Kismaayo ka duulay diyaarad siday rakaab iyo masuuliyiin ka tirsan Jubbaland.

5/4/2018 5:56 AM EST
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay dowladda Shiinaha ayaa waxaa ka qeybgalay madax iyo ganacsato ka socotay dalalka ku yaal qaaradda Afrika, ayadoo dal walba uu soo bandhigi doono wax soo saarkiisa iyo kheyraadka uu eebbe ku maneystay.

5/4/2018 5:35 AM EST
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabanayay Shirar isdabo joog ah oo looga hadlayay amniga Gobolka Banaadir, Kulamadaasi ayaa inta badan lagu gorfeynayay sidii wax badan looga qaban lahaa Amniga,

5/4/2018 5:11 AM EST
photoj1 Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Xarunta Madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug ee magaalada Dhuusa-mareeb ayaa xalay waxaa lagu qabtay munaasabad loogu dabaal degayay sanadguuradii 1-aad ee ka soo wareegatay markii madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf loo doortay Madaxweynaha Galmudug.

5/4/2018 4:37 AM EST
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo gacan ka helaya xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa waxa uu xaflado kala duwan oo lagu xusayay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda ku qabtay lix magaalo oo ka tirsan dalkeenna Soomaaliya.

5/4/2018 2:41 AM EST
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Maamulaha Shirkada Dahab-shiil Group Cabdirashiid Ducaale ayaa BBC-da u sheegay in ay deeq Cuno ah oo isugu jirta Bariis Sonkor bur iyo saliid.gaarsiinayaan Dadka ay saameeyeen fatahadihii webiga Shabeelle ka geystay Baladweyne ee ku barakacay magaaladaasi iyo deegaanada ku dhow dhow.

5/4/2018 2:25 AM EST
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa isaga iyo wafdi uu hogaaminayo magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka, ayaa kulan la qaatay...

5/4/2018 2:13 AM EST
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Weerarka ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Shimbir Faadumo oo ku yaal koonfurta magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya.