3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2018
Shir looga hadlayo iskaashiga dhaqaalaha ee dalalka Afrika oo ka furmay Koonfur Afrika
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -
Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay dowladda Shiinaha ayaa waxaa ka qeybgalay madax iyo ganacsato ka socotay dalalka ku yaal qaaradda Afrika, ayadoo dal walba uu soo bandhigi doono wax soo saarkiisa iyo kheyraadka uu eebbe ku maneystay.

Shirka ayaa waxaa daahfuray madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Criral Ramaphosa, ayadoo ay goobjoog ka ahaayeen madax ka socotay dowladaha Afrika, wasiirro ka socday dalka Shiinaha, madax ka socota ururrada caalamiga ah, shirkadaha ugu waaweyn ee dhanka ganacsiga Shiinaha iyo kuwa qaaradda Afrika.

Ujeedka shirka waxaa uu ahaa maalingalinta Dowladda Japaan ay ka sameyneyso Dalalka Qaaradda Africa iyo sidii ay iskaashi dhaqaale iyo mid ganacsi oo dhow u sameysan lahaayeen Labada dhinac.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo iskaashiga xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, C/qaadir Axmed Kheyr iyo Agaasimaha xariirka caalamiga ah , Daahir Salaad Xasan ayaa Soomaaliya uga qeyb galay shirkan heerka caalami ah.

Wafdiga ka socday Soomaaliya ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay wasiir kuxigeenka wasaaradda arimaha dibadda Japan, Madaxweyne kuxigeenka hay’adda gargaarka iyo horumarinta dalkaasi Japan iyo madax ka socotay hay’ado caalami ah oo lagu casuumay shirka.

Shirkan oo inta uu socday looga hadli doono arima badan oo ku saabsan sidii dowladda Japan iyo dalalka ku yaal qaaradda Afrika ay isaga kaashan lahaayeen dhinaca dhaqaalaha, waxaana lagu wadaa in shirka lasoo gabagabeeyay maalinta berito ah.


Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.












Click here
5/4/2018 12:16 PM EST
Jimco, May, 04, 2018 (HOL)-Ku-xigeenka Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibada dowladda China Hu Zhang Liang ayaa sheegay in uu jiro xiriir qota dheer oo soo jireen ah oo dowladda China kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.

5/4/2018 10:13 AM EST
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Mudane Xasan Cali Khayre oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Brussels ee dalka Biljimka, halkaa oo uga qeybgalayay shir looga hadlayay arimaha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah jaaliyadaha Soomaalida ee Qaaradda Yurub.

5/4/2018 8:24 AM EST
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Ayadoo kulan ay dhawaan yeesheen golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland qodobadii kasoo baxay ay kamid ahayd dib u howlgelinta garoomada diyaaradaha magaalada Afmadow iyo Dhoobleey ayaa waxaa maanta markii ugu horeeysay magaalada Kismaayo ka duulay diyaarad siday rakaab iyo masuuliyiin ka tirsan Jubbaland.

5/4/2018 7:22 AM EST
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Deeqdan Raashinka ah oo ay Shirkadda Dahab-shiil Group maanta soo gaarsiiyeen Dadkii ka Barakacay Fataahaadda Wabiga Shabelle ee Magaalada Beledweyne ayaa loogu qeybiyay deegaanka Ceel-jaalle oo ah halka dadka ugu badan ay ku barakaceen.

5/4/2018 5:35 AM EST
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabanayay Shirar isdabo joog ah oo looga hadlayay amniga Gobolka Banaadir, Kulamadaasi ayaa inta badan lagu gorfeynayay sidii wax badan looga qaban lahaa Amniga,

5/4/2018 5:11 AM EST
photoj1 Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Xarunta Madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug ee magaalada Dhuusa-mareeb ayaa xalay waxaa lagu qabtay munaasabad loogu dabaal degayay sanadguuradii 1-aad ee ka soo wareegatay markii madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf loo doortay Madaxweynaha Galmudug.

5/4/2018 4:37 AM EST
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo gacan ka helaya xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa waxa uu xaflado kala duwan oo lagu xusayay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda ku qabtay lix magaalo oo ka tirsan dalkeenna Soomaaliya.

5/4/2018 2:41 AM EST
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Maamulaha Shirkada Dahab-shiil Group Cabdirashiid Ducaale ayaa BBC-da u sheegay in ay deeq Cuno ah oo isugu jirta Bariis Sonkor bur iyo saliid.gaarsiinayaan Dadka ay saameeyeen fatahadihii webiga Shabeelle ka geystay Baladweyne ee ku barakacay magaaladaasi iyo deegaanada ku dhow dhow.

5/4/2018 2:25 AM EST
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa isaga iyo wafdi uu hogaaminayo magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka, ayaa kulan la qaatay...

5/4/2018 2:13 AM EST
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Weerarka ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Shimbir Faadumo oo ku yaal koonfurta magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya.