4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2018
Xuska sanadguuradii 1-aad ee Madaxweynaha Gal-mudug ayaa lagu qabtay Dhuu-mareeb

Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -
Xarunta Madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug ee magaalada Dhuusa-mareeb ayaa xalay waxaa lagu qabtay munaasabad loogu dabaal degayay sanadguuradii 1-aad ee ka soo wareegatay markii madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf  loo doortay Madaxweynaha Galmudug.

Munaasabadda oo ay ka qeyb galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Saraakiil ciidan iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Galmudug, ayaa lagu maamusayay Wax-qabadkii halka sano ee Maamulkaasi uu jiray iyo sidoo kale waqtiga u dhiman qorshayaasha horyaallo.

Madaxweyne Xaaf oo munaasabadaas hadal kooban ka jeediyay ayaa ka warbixiyay wixii u qabsoomay muddadii sanadka aheyd ee dadka reer Gal-mudug uu hogaaminayay iyo waxa uu qorsheynayo waqtiga u harsan.

Madaxweyne Xaaf ayaa aad ugu dheeraaday hormarrada dhinacyada Maamulka, dib u heshiisiinta iyo dhismayaasha wasaaradaha isagoona ugu dambeyntii si weyn uga hadlay in maamulkiisa qorshahan ugu horeeyo ee horyaal uu yahay wax ka qabashada kaabayaashe dhaqaale,  la dagaalanka maleeyshiyaadka Al-shabaab iyo qaabkii looga sifeyn lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.