4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2018
Soomaaliya oo laga xusay maalinta saxaafadda adduunka
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo gacan ka helaya xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM)  ayaa waxa uu xaflado kala duwan oo lagu xusayay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda ku qabtay lix magaalo oo ka tirsan dalkeenna Soomaaliya.

Xafladda ugu weyn ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Muqdisho Beerta Nabadda, waxana ka qeyb galay sii hayaha Wasiirka wasaaradda Warfaafinta ahna Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis, Masuuliyiin ka socday xafiisyada Madaxweynaha iyo R/wasaaraha, Guddoomiyaha dalladda jillayaasha aan dowliga aheyn ee Koofurta iyo Bartmaha Soomaaliya (SOCENSA), Afhayeenka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, wakiillo ka socday ururrada saxaafadda ee kala duwan iyo wariyayaaal kor u dhaafayay labo boqol oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.

Dhammaan madaxdii iyo masuuliyiintii hadashay ayaa hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay helaan difaac (Protection) iyo in ay dhammaato la xisaabtan la'aanta kuwa tacadiyada u geysta bahda warbaahinta Soomaaliyeed.

Afhayeenka UN-ka Mr Joe ayaa goobta ka aqriyay hadal uu munaasabadda maanta ugu talagalay wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo howlo shaqo dalka dibaddiisa ugu maqan.

Xuska 3-da May, waxaa sidoo kale lagu qabtay dhammaan caisimadaha maamul goboleedka dalka taas oo ay agaasintay NUSOJ.

C/salaam Nuur Diiriye , Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya