4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2018
Raysul wasaare Khayre oo la kulmay dhiggiisa dalka Belgium
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa isaga iyo wafdi uu hogaaminayo magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka, ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi, Charles Michel.

Labada Ra'iisul Wasaare, Khayre iyo Charles Michel oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka hadlay arimo muhiim u ah labada dowladood oo ay kamid tahay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Brussels.

Ra'iisul Wasaare Khayre oo ka warbixinayay waxyaalaha uu kala hadlay dhigiisa dalkaasi Belgium-ka ayaa yiri “Waxa aan la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Belgium, Charles Michel. Waxa aan ka wada hadalnay arimo badan oo khuseeya labada dowladood oo ay kamid tahay xariirka soo jireenka iyo sidii loo xoojin lahaa.”

Kulanka Ra’iisul Wasaare Kheyre uu la qaatay Mr Charles  ayaa waxa uu qeyb ka ahaa kulamo uu Brussels kula yeeshay masuulyiin ka tirsan midawga Yurub, kadib markii uu soo idlaaday kulankii looga hadlayay amaanka iyo hannaanka horumarka Soomaaliya ee lagu qabtay magaalada Brussels ee Dalka Belgiumka.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.