4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2018
Madaxweynaha oo xuska 3-da May ugu hambalyeeyay bahda saxaafadda Somaaliyeed

Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo iyo Bogaadin ku aaddan Maalinta Saxaafadda Adduunka waxa uu u diray dhammaan Wariyayaasha Soomaaliyeed meelkasta oo ay Dunida ka joogaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey wariyayaasha iyo hawl-wadeennada Saxaafadda Soomaaliyeed kaalinta ay ku leeyihiin wacyi gelinta bulshada, faafinta horumarka dalka, ilaalinta xasilloonida iyo midnimada shacabka.

“Waxaan ammaan u jeedinayaa wariyayaasha iyo hawl-wadeennada saxaafadda Soomaaliyeed oo xusaya Maalinta Xorriyadda Saxaafadda, Waxaad muujiseen adkaysi iyo dadaal dheeri ah oo aad ku bixiseen shaqadiinna, idinka oo duruufo adag ku shaqeeya.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay waajib tahay dhowrista xorriyadda hadalka, maadaama ay tahay xaq dastuuri ah oo muuwaadin kasta uu leeyahay, iyadoona dhanka kale ay waajib tahay in loo hoggaansamo sharciyada iyo xeerarka Qaranka uga dagsan Saxaafadda oo ay ka mid tahay Xeerka Warbaahinta Soomaaliyeed ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Dalka.

“Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in ay dhawrto xorriyadda hadalka oo ah xuquuq uu muwaadiniinta siinayo Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.”

Madaxweynaha Farmaajo ayaa kula dardaarmay Bahda Saxaafadda in ay sii labo-jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.