4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay in madax ka tirsan dowladda federaalka ay culeys ku hayaan shaqadiisa
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan(Eng. Yariisoow) oo la hadlay mid kamid ah idaacadaha ku yaal Muqdisho ayaa sheegay in mudado sedex bilood ah ay ka shaqeyn la’yihiin madax uu ku tilmaamay danleey oo ka tirsan dowladda oo uu sheegay in ay kuhayaan culeysyo shaqo islamarkaana xafiisyada maamulka gobolka ay shaqo ka dhigteen.

Mudane C/raxmaan Yariisoow ayaa sheegay in masuuliyiintaasi uu ka cabanayo ay u diideen fursad ay ugu shaqeeyaan shacabka, isagoo sheegay in ayadoo qof muwaadin ah oo oo u iman waayay maamulka in Senatorro iyo madax kale oo wada qof shacab ah oo dan ka leh xafiisyada maamulka ay gacanta soo qabtaan, arintaa oo uu xusay in ay tahay mid dhibaato ku ah bulshadii loo adeegi lahaa.

Gudoomiyaha ayaa si caro leh u yiri, “Waxaan ku iraahdaa dowladda federaalka waan idinkaga soo tagay dowladda hoose oo xamar ayaan imid maxaa ii daba socotaa.”

Gudoomiyaha ayaa xusay in ay hadda wadaan sidii ay arimahaasi xal ugu heli lahaayeen, isagoo xusay in maalmod gaar ah u sameyn doonaan qaabilaadda madaxda iyo shacabka kaleba.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.