4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2018
Wafdi uu horkacayo Raysul wasaare ku xigeenka dalka oo gaaray magaalada Baladweyne
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -Wafdigan Maanta gaaray Magalada Baladweyne ayaa waxaa hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna kusimaha Ra'iisul wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxana garoonka diyaaradaha Beledweyne ku so dhaweyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, iyo xubno isugu jiro Maamulka Gobolka Hiiraan, Odayaal, Dhalinyaro, Culimaa'udiin, Haween iyo Saraakiilsha Ciidamada.


Wafdigan oo isugu jiray Safiirrada dalalka Turkiga iyo Qadar u fadhiya Soomaaliya, Xildhibaanno iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda gargaarka iyo masiibooyinka Soomaaliya oo dhamaantood Beledweyne u tagay sidii loo gacan siin lahaa dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Xubnaha Wafdiga ayaa booqday goobaha ay ku noolyihiin dadka ka Barakacay Magaalada ee hada ku dhaqan Duleedka Beledweyne.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtay sidii loogu gurman lahaa, shacabka kala duwan ee saameynta adag ay ku yeelatay fatahaada Wabiga Shabelle ee Magaalada Baledweyne, ayadoo xukuumaddu ay lacag dhan $1,000,000 (Hal Milyan oo Doollar) ugu deeqday gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha webiyada iyo daadadka ka dhashay roobabka.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.