1/21/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2018
Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya iyo Wakiilka Qaramada Midoobay oo hambalyo u diray Wariyeyaasha Soomaaliyeed



Khamiis, May, 03, 2018 (HOL)-Ku simaha wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ahna wasiir kuxigeenka wasaaraddaasi mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ugu hambalyeeyay wariyeyaasha Soomaaliyeed maalinta caalamiga ah ee xoriyadda saxaafadda.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya heerka ay ka taagantahay xoriyadda hadalka ay ka wanaagsantahay dalal badan oo Afrika ku yaal, isagoo xusay in arintaasi ay ku timid dhabar adeygii ay usoo galeen suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Ergyga  Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa waxaa uu u hambalyeey sida geesinimada iyo dadaalka badan ee suxufiyiinta Soomaaliyeed u gutaan howshooda gudaha dalka.


“Waxaan soo dhaweynayaa boqolaal saxafiyiin Soomaali ah oo Gudanaya waajibaadkooda shaqo oo ay dhici karto inay halis la kulmaan mararka qaar,” ayuu yiri Keating. “Warbaahinta saxda ah ee madaxbannaan waa mid lagama maarmaan ka ah dhammaan bulshooyinka dimoqraadiga ah, waa habab muhiim ah oo lagu xoojiyo awoodda si loo xisaabtamo,” ayuu yiri. “Qeyb muhiim u ah saxafada  si ay u qabato shaqadooda waa in la soo afjaraa  dhaqanka ciqaab la’aanta , Nasiib darro, dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta way sii fidayaan.” ayuu ku soo gabogabeeyay Hadalkiisa.

Xuska Sannadkan ah ee maalintan waxa hal-ku-dhig u ah ‘Isu dheelitirka awooda: Warbaahinta, Caddaaladda iyo kala danbaynta Sharci.’ hal-ku-dhigani wuxuu si gaar ah ula xiriira  Soomaaliya: sida laga soo xigtay guddiga fadhigoodu yahay New York ee Ilaalada Saxafiyiinta (CPJ), qofna looma hor keenin caddaalada dilka 26 saxafi muddo toban sano ah, iyo sannadkii saddexaad oo isku xiga oo Soomaaliya la siiyay rikoodhkii ugu xumaa ee dunida ee xalin  la’aanta dilalka suxufiyiinta sida ku cad tusmada dadka dambiyada gala ee ciqaabta ka baxsada ee warbixinta gudida ilaalada saxafiyiinta (CPJ) ee  2017.

Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta ee Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOM), taas oo Mr. Keating hogaamiyo, ayaa diiwaan-galiyay xadgudubyada sii socda ee xuquuqda xorriyadda hadalka, oo ay ku jiraan xidhitaanka ama hakinta 14 warbaahineed oo ku yaala Soomaaliya intii u dhaxaysay Agoosto 2016 ilaa Maarso 2018 iyo xadhig aan sharciga waafaqsaneyn oo xabsi ku hayn 131 qof ah sababo la xariira xorriyadda hadalka ee isla mudadaas.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay xubnaha Baarlamaanka Federaalka in ay dib u bilaabaan wadahadalkooda ku aaddan dib-u-habeyn lagu sameeyay sharciga saxafiyiinta Soomaaliyeed ee 2016-ka, isla markaana tixgelin siinayaan liiska wax ka badalka ee sharciga ee ay sanadkii hore u soo gudbiyeen ururada saxaafaddu.

UNSOM iyo Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa soo saari doona warbixin guud  sanadkan aakhirkiisa oo faahfaahinaya xayiraadda sii socota ee ku aaddan xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya maaddaama ay si wadajir ah u baahiyeen warbixintii 2016 ee xuquuqda xorriyadda hadalka.

Cabdisalaan Nuur Diiriye , Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho- Soomaaliya.












Click here
5/3/2018 10:23 AM EST
Khamiis, May, 03 ,2018 (HOL) – Kalfadhigii golaha Wasiirada ayaa maanta laga soo saaray saddex qodob oo kala ah in hay’adaha Soomaaliya laga leeyahay ka hawlgalin Karin Somaliland...

5/3/2018 9:48 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Dr. Aweys Sheekh Cabdullaahi oo maanta ka qeybgalay Barnaamij aqoon kororsi ah oo loo qabtay laamaha ammaanka, xubno ka socday degmooyinka iyo garsoorka Gobolka Banaadir ayaa eedeyn u jeediyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

5/3/2018 9:30 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo iyo Bogaadin ku aaddan Maalinta Saxaafadda Adduunka waxa uu u diray dhammaan Wariyayaasha Soomaaliyeed meelkasta oo ay Dunida ka joogaan.

5/3/2018 9:23 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -Munaabad kooban oo ay xilka kula kala wareegayeen Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Gudoomiyihii hore ee iscasilay mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta ka dhacday Xarunta Gudiyada iyo Guddoonka ee Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

5/3/2018 8:54 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -Gudoomiyaha oo la hadlay mid kamid ah idaacadaha ku yaal Muqdisho ayaa sheegay in mudado sedex bilood ah ay ka shaqeyn la’yihiin madax uu ku tilmaamay danleey..

5/3/2018 7:57 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -Wafdigan Maanta gaaray Magalada Baladweyne ayaa waxaa hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna kusimaha Ra'iisul wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed....

5/3/2018 7:48 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ay sababaan “Wakiillo ajnabi ah” kuwaa oo uu xusay in ay doonayaan in ay xasiloonid darro iyo kala qo-qob ku sameeyaa Soomaalida.

5/3/2018 4:09 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL)-Wararka Naga soo gaarayo Magalaada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa sheegayo in Ra’iisal Wasaaruhu uu u gudbiyey farriintiisa ah in hadda ay jirto rajo badan oo ay Soomaaliya ka soo ka banayso.....

5/3/2018 3:39 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL)-Maamulka Gobolka Benaadir iyo wasarada dhalinyarada iyo sportiga dowlada soomaliya oo iskashanaya ayaa Waxa ay usameyen cayaartooyda munaasabad soo dhaweyn ah iyo sidoo kale abaal marin 10.000 oo dollar oo maamulka ugu talagalay ciyaartoydaasi sidoo kale waxaa munaasabadaan kusugnaa

5/3/2018 3:35 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) - Dableey hubeysan xaruunta ICRC ee magaalada Muqdisho ka af-duubtay gabar u shaqeysa hay’adda ICRC