Howlgal dad lagu soo qabqatay oo laga sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
Talaado, May, 22, 2018 (HOL) –
Howlgalkan ayaa ka danbeeyay kaddib Qarax miino oo fiidnimadii xalay ka dhacay
inta u dhaxeysa Ex Koontarool Afgooye iyo xaafadda Haanta-Dheer, kaasoo sababay
dhimashada Labo ruux oo shacab ah.
Qaraxan miino ee dadka badan loo soo xiray ayaa lagu
bartilmaameedsay gaari Cabdi Bille ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan
militariga Soomaaliya, hasse ahaatee lama sheegin wax khasaare ah oo ciidamada
ka soo gaaray Qaraxa.
Howlgalkan oo ay ciidamadu xalay
sameeyeen saqdii dhexe ayaa lagu soo qabqabtay dad u badnaa dhalinyaro, kuwaa
oo loo gudbiyay xarumaha baarista, waxaana ay hay’addaha amnigu sheegeen in la
sii deyn doono cid kasta oo aan danbi laheyn.
Al-shabaab ayaa inta badan waxa ay weeraro iyo
Qaraxyo ka geystaan fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku
leeyihiin magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, balse ilaa hadda ma jirto cid
sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]