4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2018
Madaxweynaha Puntland oo shaqada ka eryay howlwadeenno ka tirsan wasaaradda kalluumeysiga Puntland

Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa shaqadii ka eryay shaqaalo ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Waxaa shaqadii laga eryay Madaxda iyo shaqaalaha hoos ku qoran:-

Maxamuud Maxamed Cali Gabax.
Cali Xirsi Faarax Maxamuud.
Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid.
Maxamed Siciid Cartan.
Cabdicasiis Axmed Jaamac.
Cabdi Salaad Maxamuud .
Casayr Yuusuf Maxamuud Fidiye.

Warqada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas laguma cadeyn sababta raggan shaqada looga eryay, balse xeerkan ayaa noqday mid dhaqangalay kadib markii uu Madaxweynuhu sixiixay.


Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.