Hiiraan Online
1/26/2021
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2018
Madaxweyne Somaliland oo kormeeray goobaha ay saameeyeen roobabkii ka da'ay Hargeeysa [Sawirro]
Arbaca, May, 02 ,2018 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer ku tagay xaaladda dad ka danyarta ah ee ku hareeraysan Balliyada Daammi iyo Jig-jiga yar oo ay biyo badani fadhiyaan, kaasi halis ku ah dadka la jaarka ah.
Madaxweynaha oo ay booqashadiisa uu ugu kuur-gelayey xaaladda dadka danyarta ah ee balliyada caasimadda ku hareeraysan ay ku wehelinayeen xubno ka socda maamulka sare ee dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa oo uu hoggaaminayo maayarka Caasimadda,
Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa indhihiisa ku arkay halista ay biyaha Balliyadaas Daammi iyo Jig-jiga yar fadhiyaa ku keeni karaan nolosha dadka iyo hantida deriska la ah iyo guud ahaan midda dadka caasimadda ku nool, waxaana uu madaxda dawladda Hoose oo iyagu hawshan masuuliyaddeeda u xilsaaran faray inay sida ugu dhakhsaha badan biyaha fadhiya u dhaqaajiyaan, una jabiyaan moosaska biyo-celiska ah, isla markaana goobahaas laga raro dhammaan dadka deggen, si noloshooda iyo maalkoodaba looga badbaadiyo halis ay biyahaasi ku keenaan.
Maayarka caasimadda Hargeysa, mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), oo dhaamankaasi ku dhex yaala Hargeysa ka warbixinayey waxa uu yidhi,“Madaxweyne maanta waxaanu muddo ku siinnay dadka deggen agagaarka Balliga Daammi inay diyaar garoobaan oo aanu meesha ka rarno oo balliga dushiisa la banaynayo, kaddibna balligan oo magaalada mushkilad ku haya iyo labada kale ee Xero-digaagta iyo Qudhax-dheerba aanu biyaha ka jabinno oo aanu biyahaas u samaynno Iliilado ay maraan si ay dooxa ugu dhacaan.”
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kaddib u kuur-galkiisa waxa awaamiir faray madaxda dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa, waxaana uu ku adkeeyey inay sida ugu dhakhsaha badan biyaha fadhiya loosii daayo, islamarkaana loo raro dadka agagaarka balliyada deggen, si loo badbaadiyo nafahooda iyo maalkoodaba, waxana uu yidhi, “Waxan idin farayaa cirkii wuu cusub yahay, balliguna wuu buuxaaye in aanay biyahaasi magaalada ku jabin oo la furo biyaha fadhiya, dadka deggenna sidii meel loo geyn lahaa oo khatarta looga badbaadin lahaa aad qabataan, 24-ka saacadood ee aynu joogno daruurtaa taagan, Biyahaas buuxa iyo magaalada waa inaad kala furtaan, ciidankaad doontaanna dirsada”
Socdaalka madaxweynaha, ayaa ujeeddadiisu ahayd, sidii uu xog-ogaal ugu noqon lahaa xaaladda dadka danyarta ah ee ku hareeraysan Balliyada biyuhu fadhiistaan ee gudaha caasimadda Hargeysa, isla markaana uu waqtigan xilli-roobaadka ah xidhiidh toos ah ula yeelan dadka banyaalka u ah dhibaatooyinka roobku sababi karo.
Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay aabihii dhalay caruurtii habeen hore daadadku ka qaadeen magaalada Hargeysa, waxaana Maayarka Hargeysa ku wareejiyey dhul uu dego, lacag iyo Raashin.
Sidoo kale, dhamaan dhaamanka magaaladda Hargeysa ku yaala dadka degan waxa lagu amray in laga raro
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.
Madaxweynaha Puntland oo shaqada ka eryay howlwadeenno ka tirsan wasaaradda kalluumeysiga Puntland
5/2/2018 3:24 PM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa shaqadii ka eryay shaqaalo ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.
Kooxo Hubeeysan oo ganacsade Soomaaliyeed ku dilay dalka Koonfur Afrika
5/2/2018 9:38 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Ganacsade Soomaali ah ayaa lagu dilay Dalka Koonfur Afrika ka dib markii sida la sheegay ay Koox burcada ah weerar ku qaadeen goob ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku taala deegaanka Zonkizizwe oo qiyaastii 35 km ka xigta dhinaca Koonfur magaalada Johannesburg.
Gabar u shaqeyn jirtay Hay'ad samafal oo lagu dilay Muqdisho
5/2/2018 8:06 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Kooxo hubeeysan oo aan heytooda la aqoon ayaa magaalada Muqdisho ku dilay gabar u shaqeyn jirtay Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka .........
Wasiirro iyo ganacsato Soomaaliyeed oo Turkiga uga qeybgalaya shir looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya
5/2/2018 6:57 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Wafdigan ka socda wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada iyo rugaha ganacsi ee dalka ayaa dalka Turkiga uga qeybgali doona shir dalkaasi ku dhex mari doona ganacsatada Soomaaliya iyo kuwa ...
Shirweeyne qaran oo looga hadli doono dib u eegista dastuurka oo la qaban doono bartamaha bishan
5/2/2018 4:39 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowlada Federalka Soomaaliya, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay si wadajir ah uga shaqeeynayaan qabanqaabada Shir-weynaha Qaran ee lagu daah-furayo Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka.
Puntland oo soo saartay war saxaafadeed loogu mahadcelinayo dowladda isku tagga imaaraadka Carabta
5/2/2018 4:29 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in Dowlada Imaaraadka Carabta ay Umadda Soomaaliyeed u fududeeyso arrimo badan sida dal ku galka Dalkaasi iyo degenaanshaha, Hadalka ayaa lagu shaaciyay war saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.
Ciidamada Kenya ayaa baadigoobaya rag la sheegay in ay qoraan dhalinyarta dooneeysa in ay Shabaab ku biiraan
5/2/2018 4:15 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ku raad-joogaan islamarkaana ay gacanta kusoo dhigi doonaan Waqti dhaw ilaa 3 Ruux oo la sheegay in ay qoraan dhalinyaradda, kuwaasi oo la tilmaamay in ay ku sugan yihiin Gobolka Xeebta ah ee Kenya waxayna intaasi ku dareen in ay ka raadinaya Deegaanada Kilifi iyo Lamu.
Lacago dhan 1 Milyan oo Doollar oo loogu deeqay dadka ay saameeyeen Fatahaadaha
5/2/2018 4:04 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya yaa shaacisay in kaalin muuqata ay ka qaadan doonaan fatahaadaha ku dhuftay qeybo ka tirsan gobollada dalka, kuwaa oo ay ku baaba’een dhul beereedyo islamarkaana sababay barakac.
Shirkii looga hadlayay arimaha Soomaaliya oo maanta ka furmi doona Brussels
5/2/2018 3:04 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Shirkan oo ay ka qeybgali doonaan dalalka midowga Yurub iyo kuwa daneeya arimaha Soomaaliya ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladaha dhinacyada ammaanka iyo dhismaha ciidanka qaranka Soomaaliya.
Wakiilka Gaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo u hambalyeeyay Gudoomiyaha la doortay ee golaha shacabka
5/2/2018 2:49 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-War ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya iyo Madaxa AMISOM, Ambassador Francisco Madeira, ayaa loogu hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Baarlmaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Somali News
Pair denies taking kickbacks, overbilling MaineCare in alleged health care fraud
-
BDN
5/2/2018 11:31 AM EST
Two Androscoggin County residents accused of receiving more than $27,000 in kickbacks for medical referrals and of overbilling MaineCare for interpreter services pleaded not guilty Tuesday to health fraud charges in U.S. District Court in Portland.
D.A.R.E.’s ‘Officer Mo’ Connecting With Students In Columbia Heights
-
WCCO
5/2/2018 11:27 AM EST
MINNEAPOLIS (WCCO) — It’s a program that has been in a schools for almost three decades. You may even remember taking it yourself – D.A.R.E. Or maybe you have a fourth- or fifth-grader who is going through the program right now.
How it feels to be the foreign minister of a country that doesn’t officially exist
-
New Statesmen
5/2/2018 11:19 AM EST
I hadn’t thought to book anywhere for our meeting; neither had my interviewee’s handler. The three of us spent an awkward ten minutes trailing from packed pub to crowded cafe, before deciding that time was short and we might as well just get on with it.
Somalia: Happy And Bad
-
Strategy Page
5/2/2018 11:15 AM EST
The UAE (United Arab Emirates) stands accused of trying to buy Somali political support for its business interests. The current crises began when UAE was recently accused of trying bring in enough cash to bribe Somali politicians who would then support UAE goals. The UAE has been a major supplier of foreign aid to Somalia, providing nearly half a billion dollars’ worth since 1993. The UAE supports a united Somalia, with Puntland and Somaliland rejoining Somalia. The Somali parliament opposed a 2017 UAE effort to build and control a new port in Somaliland. The UAE has been trying to change minds in the Somali parliament but denies the bribery changes. The UAE is also trying to get Somalia to take sides in the Qatar dispute.
Ethiopia to take stake in Port of Djibouti, its trade gateway -state media
-
Reuters
5/2/2018 11:06 AM EST
Ethiopia will take a stake in the Port of Djibouti, its main gateway for trade, under a deal reached between the two countries, state media outlets said.
The ruins of Somalia’s war could be rebuilt thanks to these digitally preserved 3D models
-
Quartz
5/2/2018 10:59 AM EST
Mogadishu is a battle-ravaged capital, the epicenter of the over two-decade civil war that scattered millions of Somalis across the world. Once a beautiful seaside city, its lone cathedral, ancient mosques, luxury hotels and government offices now remain empty shells hosting internally displaced people.
Why blaming conflicts in Africa on climate change is misguided
-
The Conversation
5/2/2018 10:40 AM EST
The role of water crises in conflicts in places like Syria, Nigeria and Iran often feature in media and policy outlets. Many believe that climate change could spark future conflicts. But research shows that most conflicts are driven by factors other than the effects of climate change.
How will the Somalia-UAE diplomatic row affect AMISOM?
-
ISS Africa
5/2/2018 10:15 AM EST
In early April, the United Arab Emirates (UAE) stopped its capacity building support for security institutions and humanitarian aid to Somalia. This was due to growing diplomatic disputes between the two countries. The move comes at a time when the international community, in the form of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), is considering its exit by 2020/21.
Somalia seeks int'l aid as flood affects 500,000 people
-
Xinhua
5/2/2018 10:08 AM EST
MOGADISHU, May 2 (Xinhua) -- Somalia President Mohamed Abdullahi Mohamed has appealed to the international community to support efforts to help 500,000 people affected by the floods that has displaced close to 175,000 from their homes.
AU welcomes former Defense Minister's election as Lower House Speaker
-
HOL
5/2/2018 9:50 AM EST
Mogadishu (HOL) - The African Union has hailed the peaceful election of new Lower House speaker, Mohamed Mursal Sheikh, a former Somali Defense Minister.
Somalia must speed overhaul of fragile army to face militants, say donors
-
Reuters
5/2/2018 9:39 AM EST
NAIROBI (Reuters) - Somalia should accelerate reforms of its army, its main foreign backers said on Wednesday after discussing slow progress in transforming the graft-ridden force into one capable of fighting al Qaeda-linked al Shabaab militants.
Pakistan Navy rescues Portuguese family off Somali coast
-
Express tribune
5/2/2018 6:45 AM EST
A Portuguese family stranded off the Somali coast was rescued in an open sea-aid operation by the Pakistan Navy (PN), said a statement released on Wednesday.
Somali aid worker killed in shooting in Mogadishu – police
-
Reuters
5/2/2018 6:03 AM EST
Unknown gunmen shot dead on Tuesday a Somali aid worker who worked for the World Health Organization (WHO), her relatives and police said.
Al-Shabab ranked as deadliest terror group in Africa
-
HOL
5/2/2018 5:17 AM EST
Mogadishu (HOL) - Al-Shabab, a terrorist group based in Somalia is still maintaining its position to be the deadliest terror group in the African continent, U.S based think tank said.
Shock over plea to extend Uhuru rule
-
Daily Nation
5/2/2018 1:43 AM EST
A daring suggestion on Tuesday by trade unionist Francis Atwoli to extend President Uhuru Kenyatta’s role after the end of his fixed 10-year term “because he is young” was met with indignation by a section of Kenyans, who termed it “warped” and the brainchild of “hardliners” within and around State House.