4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2018
Kooxo Hubeeysan oo ganacsade Soomaaliyeed ku dilay dalka Koonfur Afrika

Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-
Ganacsade Soomaali ah ayaa lagu dilay  Dalka Koonfur Afrika ka dib markii sida la sheegay ay Koox burcada ah weerar ku qaadeen goob ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku taala deegaanka Zonkizizwe oo qiyaastii 35 km ka xigta dhinaca Koonfur magaalada Johannesburg.

Kooxda Burcadda ah  ee dilka geysatay ayaa marka ay galeen goobta ganacsiga waxaa ay ugu horeynba toogasho ku dileen mid ka mid ah dhalinyaradii halkaasi joogay oo lagu magacaabayay Qadar Maxamed Nuur oo ku dhax jiray goobta dadka macaamiisha ah lacagaha looga qaado kadibna waxaa ay halkaasi ka qaateen lacago iyo kaararka telfoonada lagu shubto iyo sidoo kale telfoonada ay isticmaalaayeen dhalinyarada dukaankaas ka shaqeyneysay sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Muqtaar Cabdulaahi Xasan oo dukaanka ka shaqeynayay.

Ciidamada Police-ka ayaa goobta yimid saacad kadib markii ay kooxda burcada ah goobta ka baxsadeen waxaana halkaasi ay ka bilaabeen baaritaano la xariira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxda falkaan geystay,

Sargaalka madaxda ka ah saldhiga police-ka ee xafaadaasi ayaa ka gaabsatay in uu faahfaahin ka siiyo Warfidiyeenada falkan balse waxaa uu tilmaamay in lagu dabo jiro kooxihii falkan geestay.

Alle ha u naxariisto Marxuum Qadar Maxamed Nuur ayaa waxaa lagu aasaya qabuuraha muslimiinta ee magaalada Johannesburg Waqtiyada soo socda.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.