3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2018
Gabar u shaqeyn jirtay Hay'ad samafal oo lagu dilay Muqdisho
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-
Kooxo hubeeysan oo aan heytooda la aqoon ayaa magaalada Muqdisho ku dilay gabar u shaqeyn jirtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ehelladeeda iyo Booliska.

Mid kamid ah qaraabada gabadha la dilay oo lagu magacaabo Maryan C/laahi ayaa sheegtay in gabadha la toogtay xilli ay ku sugnayd suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho si ay uga soo iibsato agab ay ugu diyaargaroobeeysay arooskeeda oo lagu waday in uu dhaco todobaadka soo socda.

Gabadha ayaa la sheegay in ay toogteen rag u hubeeysnaa baastoolado, kuwaa oo ku toogtay goob basaska laga raaco.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka danbeeysay dilka gabadhan, mana jiraan masuuliyiin ka tirsna dowladda oo faahfaahin ka bixiyay, balse boolisku waxa ay xaqiijiyeen in raggii dilka geeystay ay goobta isaga  baxsadeen.

Dilkan ayaa imanaya ayadoo dowladda Soomaaliya ay wado dadaallo la doonayo in lagu xasiliyo caasimadda, waxaana tan iyo intii ay dadaalladaasi bilowdeen yaraaday dilalkii toogashada ahaa ee ka dhici jiray Muqdisho, waxaa dilka loo geystay gabadhan uu cabsi ku abuuray bulshada ku dhaqan gobolkaasi, gaar ahaan shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.













Click here
5/2/2018 3:24 PM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa shaqadii ka eryay shaqaalo ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

5/2/2018 2:13 PM EST
Arbaca, May, 02 ,2018 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer ku tagay xaaladda dad ka danyarta ah ee ku hareeraysan Balliyada Daammi iyo Jig-jiga yar oo ay biyo badani fadhiyaan, kaasi halis ku ah dadka la jaarka ah.

5/2/2018 9:38 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Ganacsade Soomaali ah ayaa lagu dilay Dalka Koonfur Afrika ka dib markii sida la sheegay ay Koox burcada ah weerar ku qaadeen goob ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku taala deegaanka Zonkizizwe oo qiyaastii 35 km ka xigta dhinaca Koonfur magaalada Johannesburg.

5/2/2018 6:57 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Wafdigan ka socda wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada iyo rugaha ganacsi ee dalka ayaa dalka Turkiga uga qeybgali doona shir dalkaasi ku dhex mari doona ganacsatada Soomaaliya iyo kuwa ...

5/2/2018 4:39 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowlada Federalka Soomaaliya, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay si wadajir ah uga shaqeeynayaan qabanqaabada Shir-weynaha Qaran ee lagu daah-furayo Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka.

5/2/2018 4:29 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in Dowlada Imaaraadka Carabta ay Umadda Soomaaliyeed u fududeeyso arrimo badan sida dal ku galka Dalkaasi iyo degenaanshaha, Hadalka ayaa lagu shaaciyay war saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

5/2/2018 4:15 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ku raad-joogaan islamarkaana ay gacanta kusoo dhigi doonaan Waqti dhaw ilaa 3 Ruux oo la sheegay in ay qoraan dhalinyaradda, kuwaasi oo la tilmaamay in ay ku sugan yihiin Gobolka Xeebta ah ee Kenya waxayna intaasi ku dareen in ay ka raadinaya Deegaanada Kilifi iyo Lamu.

5/2/2018 4:04 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya yaa shaacisay in kaalin muuqata ay ka qaadan doonaan fatahaadaha ku dhuftay qeybo ka tirsan gobollada dalka, kuwaa oo ay ku baaba’een dhul beereedyo islamarkaana sababay barakac.

5/2/2018 3:04 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Shirkan oo ay ka qeybgali doonaan dalalka midowga Yurub iyo kuwa daneeya arimaha Soomaaliya ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladaha dhinacyada ammaanka iyo dhismaha ciidanka qaranka Soomaaliya.

5/2/2018 2:49 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-War ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya iyo Madaxa AMISOM, Ambassador Francisco Madeira, ayaa loogu hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Baarlmaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.