4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2018
Shirweeyne qaran oo looga hadli doono dib u eegista dastuurka oo la qaban doono bartamaha bishan
photoj1 Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowlada Federalka Soomaaliya, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay si wadajir ah uga shaqeeynayaan qabanqaabada Shir-weynaha Qaran ee lagu daah-furayo Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Guddiyadan sedexda Dhinac ah ayaa waxaa dhawaan loo xilsaaray Diyaarinta iyo qabanqaabada Shir-weynaha Qaran, Waxaana  mudooyinkii u danbeeyay socday shirar joogta ah oo arrintan ku aadan.

Dhammaan Hay’adahan u xil-saaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa sheegay in Shir-weynaha Qaran uu qabsoomi doono inta u dhaxeyso 13 – 15 bishan Maajo, sida qorshu uu yahay  waxaa ka soo qaybgeli doonaan in kabadan 300 oo qof.

Si kastaba ha ahaatee Dadka Ka qaybgala Shir-weynaha Qaran ayaa ka koobnaan doona sida la tilmaamay xubno ka socda laamaha Garsoorka, Sharci-dejinta iyo Fulinta ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed. Sidoo kale waxaa ka soo qaybgelidoonaan xubno badan oo kamid ah Ururada Bulshada Rayidka oo ka kala imaanaya Gobolada dalka iyo qurbojoogta Soomaaliyeed.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.