4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2018
Lacago dhan 1 Milyan oo Doollar oo loogu deeqay dadka ay saameeyeen Fatahaadaha

Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa shaacisay in kaalin muuqata ay ka qaadan doonto fatahaadaha ku dhuftay qeybo ka tirsan gobollada dalka, kuwaa oo ay ku baaba’een dalagyo ay beerteen beeraleey Soomaaliyeed islamarkaana sababay barakac.

Raysul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in xukuumaddu ay ugu deeqday dadka ay saameeyeen fatahaadaha lacag dhan $1,000, 000 (Hal Milyan oo Doollar)

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dowladda iyo shacabkuba isu kaashadaan sidii loo samata-bixin lahaa, gargaar deg-deg ahna loo gaarsiin lahaa dadka ay waxyeelada kasoo gaartay fatahaadda webiga.

Qeybo ka tirsan gobollada Hiiraan, Shabeelaha dhexe, J/dhexe iyo Gedo ayay webiyada Jubba iyo Shabeelle fatahaado ka geeysteen, ayadoo ay sababeen barakaca dad shacab ah iyo weliba dalagyo ka baaba’ay beeraleey.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.