Waare“ Qorshe ayaan ka leenahay arrimaha la xiriira fatahaadda magaalada Beledweyne
Sabti, May, 19, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad
gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Hiiraan Online ayaa
ka warbixiyay xaalada magaalada Beledweyne kaddib daadad xoog leh oo ku
dhuftay iyo tallaabada ka maamul ahaa uga qorsheysan gurmadka loo fidinayo
dadka ay dhibaatadu saameysay.
Madaxweyne Waare ayaa sheegay in gargaarka iyo
gurmadka loo fidinayo dadkii ku barakacay fatahaada ilaa iyo hadda si
wanaaagsan loo wado, isaga oo intaa ku daray in ku dhawaad 30. 000 oo qoys loo
qeybiyay raashin iyo agabyo kale oo muhiim ah.
‘’Hadda baahi –weyn oo ay dadku qabaan ma jirto,
kaliya waxa aan ka fikireyno waa sidii loo hagaajin lahaa nadaafadda iyo ka
hortaga cudurro ka dhalan kara saameynta ay reebaan daadadka ayuu yiri’’ Waare.
Waxaa uu sheegay in ku dhawaad 40% dadka danyarta ah
aysan heysan wax ay cunnaan madaama markii horeba ay iska ahaayeen dad xooggood
ku nool ah, sidaa daraadeed maamulku ku dadaali doono in wax badan dadkaasi la
kaalmeeyo.
‘’Dadku waxey u baahan yihiin in ay hellaan biyo nadiif ah oo ay cabaan, waayo
magaalada biyo malaha, biyaha hadda la heli karana ma’aha kuwo nadiif ah, sidaa
daraadeed qorshaheenna ugu soo horeeya waa in la helo biyo nadiif ah, si looga
fogaado cudurro ka dhalan kara wasaqda sida shuban-biyoodka oo kale ‘’ ayuu
yiri madaxweyne.
Waare ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan
jirin sharuud ay ku xirayaan cid kasta oo dooneyso in ay kaalmeyso dadka
dhibaateysan, haddii ay ahaan lahaayeen hay’addaha samafalka, Jaaliyada iyo
shirkaddaha gaarka loo leeyahay intaba.
‘’Annaga wax yaabaha aan ku guuleysanay ayaa ah
in aan wax sharuud ah ku xirin cid kasta oo dooneysa in ay kaalmeyso dadkaa
dhibaateysan, sidii ay doonaan ayeey gurmadka uga qeybqaadan karaan iyaga oo u
maraya hadba sida ay jecelin yihiin in ay dadkaa gurmad ku gaarsiiyaan'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Mar uu ka jawaabayay su'aal aheyd in ay jiraan ganacsato laga
yaabo in ay sare u qaadeen badeecada ay dadka ka iibinayaan iyaga uga faa’ideysanaya
marxalada jirta ayuu yiri’’ Waa waxba kama jiraan
arintaa, Annaga xitaa ganacsatada waxaan ku amarnay in aysan jirin karin
raashin la keydiyo oo Bakhaarada leyska dhigto iyadoo waqtigu sidan u adag yahay’’
ayuu yiri madaxweyne Waare.
Madaxweyne Waare ayaa sheegay in la soo dhameystiray qorshe
la doonayo in biyo xireen loogu sameeyo magaalada’’ Qorshe ayaan ka leenahay oo
waliba soo dhamaaday in laga hortago biyaha mar walba ku fataha magaalada,
waxaan sida ugu dhaqsiyaha badan uga howgali doonaa dhismaha biyo xirreenno’’
ayuu yiri madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle.
Mar Hiiraan Online ay wax ka weydiisay
buuqa iyo shakiga faraha badan ee waayadii ugu danbeeyay laga muujinayay
lacagaha canshuuraadta ah ee ka soo xarooda gobolka Hiiraan ayuu ku jawaabay ‘’ Ma
jirto lacag dadka laga qaado si qaldan loo istimaali karo, Annaga xisaabaadkeenna
ama Accoun –tiga lagu shubo lacagaha waxaa si gaar ah u ilaaliy oo la soccda hay’addo
caalami ah oo intaa isha ku hayo, sidaa daraadeed ma jirto lacag lagu takri
fali karo’’ ayuu yiri madaxweyne Waare.
Maamulka Hirshabeelle ayuu sheegay in uu wado dhismaha Garoon weyn oo casri ah oo leh dhabo
Laami ah oo gaaraya 2km iyo bar oo ay diyaaraduhu si toos ah uga degi karaan magaalada Beledweyne , si
meesha looga saaro ayuu yiri caqabadaha mar walba ka taagan Garoonka.
Mar uu ka hadlayay shirkii Baydhabo ugu soo
dhamaaday madaxda dowlad gobolleedyada ayuu sheegay in uusan aheyn shir lid ku
ah dowladda federaalka, hasse ahaatee doonayaan oo kaliya madaxda dowlad
gobolleedyada in la ilaaliyo sharciga iyo dastuurka oo dhigaya in dowladda
dhexe iyo dowlad gobolleedyada si wada jir ah uga wada hadlaan arrimaha
masiirka dalka quseeya.
Wuxuu sheegay in maamulkiisa uu meel wanaagsan marinayo qorshaha la dagaalanka Al-shabaab, isaga oo si gaar ah amaan ugu jeediyay dadka deegaanka ee is abaabulay ee dagaalka qeybta ka ah gaar ahaan xoogagga Macwiisleyda oo dagaal adag kula jira Al-shabaab.
Waare ayaa ugu danbeyntii u mahad celiyay hay’addaha
samafalka, Jaaliyadaha iyo sharkaddaha ka qeybqaatay gurmadka dadka
dhibaateysan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]