5/26/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2018
Labo ruux oo ku dhimatay roobab duufaanno wata oo ku dhuftay qeybo ka mid ah Puntland


 

Jicmo, May, 18, 2018 (HOL) – Labo ruux ayaa ku dhimatay qof kalana waa la la’yahay kaddib markii ay la tageen daadad ka dhashay roobab duufaanno wata oo ku dhuftay qeybo ka mid ah deegaannada Puntland.

Labada qof ee dhimatay ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen ruux oo la soctay gaari ka anbabaxay magaalada Boosaaso kuwaa oo markii ay marayeen tog lagu magacaabo Yolho gaarigii ay la socdeen uu la tagay daadka, taasoo keentay in labada ruux ay halkaa ku geeriyoodaan, halka qof kalana lagu la’yahay togga.

Roobabkan ayaa ka dhashay duufaanno maalmihii ugu danbeeyayba la sii saadaalinayay oo la sheegay in ay ku dhufanayaan deegaanno dhaca Puntland iyo Somaliland, sidoo kalana waxaa laga cabsi qabaa in ay dabeyshan ku dhufato qeybo ka mid ah dalka Djabuuti.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada carabta – duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Roobabka ayaa xalay ilaa saakay siweyn uga da’ay deegaanno ka tirsan Puntland kuwaa oo sababay in ay biyo badan ku fatahaan dhulka ay roobabkan ka da’ayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]





Click here
5/18/2018 2:40 PM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Inta la xaqiijinayo ilaa Sideed ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen kaddib toogasho qof hubeysan uu Jimcihii maanta ka geystay dusgi sare oo ku yaalla gobolka Texas ee dalkaan Mareykanka.

5/18/2018 7:57 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagay meel ka baxsan qaarada Africa Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

5/18/2018 6:40 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Dadka ayaa nafis dareemay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne kaddib markii uu Wabigu bilaabay in uu dib u celiyo daadadkii dhawaan ku fatahay magaalada.

5/18/2018 6:16 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Iyadoo wali uu soconayo gurmadka loo fidinayo dadkii ku barakacay Fatahaada Wabiga Shabeele ee magaalada Beledweyne ayeey Shirkadda Xawaallada Amaana gaarsiisay Boqolaal qoysas ah deeq lacageed oo ka timid Jaaliyaddo Soomaaliyeed.

5/18/2018 5:50 AM EST
Jimco, May, 18, 2018 (HOL)-Sida ay saadaalinayaan khubarada saadaasha hawada, dabeylo ka kacay gacanka cadmeed ayaa isu beddelay duufaan xoog leh oo saameyn ku yeelatay qeybo ka mid ah xeebaha Somalia.

5/18/2018 2:36 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Senate-ka Maraykanka ayaa markii u horraysay haweenay u idmaday in ay hogaamiso hay'adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, inkastoo ay door ku soo yeelatay barnaamij ay hay'addani fulisay 9/11 oo dadka lagu baarijiray.

5/18/2018 2:30 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kormeer howlleed ku tagey dekadda Muqdisho oo ay ka socdaan howlo isugu jira dhoofka iyo soo dajinta shixdaha kala duwan.

5/18/2018 2:21 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isbitaalka Garoowe ku booqdey Askartii ku dhaawacantay dagaalkii Tukaraq.

5/18/2018 2:12 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL) - Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka JFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa looga hadlay dagaaladda maalmihii la soo dhaafay ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq, wax ka qabashada fatahaadaha ay sameeyeen wabiyada dalka iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha kalfadhigan iyo kan xiga horyaala golaha shacabka.