3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2018
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo safarkiisii ugu horeeyay ku tagay meel ka baxsan qaarada Africa

 

Jicmo, May, 18, 2018 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagay meel ka baxsan qaarada Africa Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasaaradda arrimaba dibada Itoobiya ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu martiqaad rasmi ah uu ka helay boqorka Sacuudiga Salman Bin Abdulaziz.

Inta uu ku guda jiro Booqashadiisa Sacuudi Carabiya waxay kulan labo geesood ah oo looga hadlayo xiriirka labada dal ay wada yeelan doonaan Boqorka Sacuudiga

Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Sacuudiga iyo Itoobiya ayaa sanadihii u dambeeyay ahaa mid aad u xoogganaa.

Abiy Axmed ayaa tan iyo markii xafiiska loo dhaariyay 2-dii bishii April waxaa uu booqasho rasmi ah ku tagay dalalka Jabuuti, Sudan, iyo Kenya oo ah dalal deris la ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/18/2018 2:40 PM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Inta la xaqiijinayo ilaa Sideed ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen kaddib toogasho qof hubeysan uu Jimcihii maanta ka geystay dusgi sare oo ku yaalla gobolka Texas ee dalkaan Mareykanka.

5/18/2018 10:35 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Labo ruux ayaa ku dhimatay qof kalana waa la la’yahay kaddib markii ay la tageen daadad ka dhashay roobab duufaanno wata oo ku dhuftay qeybo ka mid ah deegaannada Puntland.

5/18/2018 6:40 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Dadka ayaa nafis dareemay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne kaddib markii uu Wabigu bilaabay in uu dib u celiyo daadadkii dhawaan ku fatahay magaalada.

5/18/2018 6:16 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Iyadoo wali uu soconayo gurmadka loo fidinayo dadkii ku barakacay Fatahaada Wabiga Shabeele ee magaalada Beledweyne ayeey Shirkadda Xawaallada Amaana gaarsiisay Boqolaal qoysas ah deeq lacageed oo ka timid Jaaliyaddo Soomaaliyeed.

5/18/2018 5:50 AM EST
Jimco, May, 18, 2018 (HOL)-Sida ay saadaalinayaan khubarada saadaasha hawada, dabeylo ka kacay gacanka cadmeed ayaa isu beddelay duufaan xoog leh oo saameyn ku yeelatay qeybo ka mid ah xeebaha Somalia.

5/18/2018 2:36 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Senate-ka Maraykanka ayaa markii u horraysay haweenay u idmaday in ay hogaamiso hay'adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, inkastoo ay door ku soo yeelatay barnaamij ay hay'addani fulisay 9/11 oo dadka lagu baarijiray.

5/18/2018 2:30 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kormeer howlleed ku tagey dekadda Muqdisho oo ay ka socdaan howlo isugu jira dhoofka iyo soo dajinta shixdaha kala duwan.

5/18/2018 2:21 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isbitaalka Garoowe ku booqdey Askartii ku dhaawacantay dagaalkii Tukaraq.

5/18/2018 2:12 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL) - Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka JFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa looga hadlay dagaaladda maalmihii la soo dhaafay ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq, wax ka qabashada fatahaadaha ay sameeyeen wabiyada dalka iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha kalfadhigan iyo kan xiga horyaala golaha shacabka.