4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2018
Wabiga oo dib u celiyay biyihii ku fatahay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne Sawirro


Jicmo, May, 18, 2018 (HOL) – Dadka ayaa nafis dareemay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne kaddib markii uu Wabigu bilaabay in uu dib u celiyo daadadkii dhawaan ku fatahay magaalada.

Waddada dheer ee dhaxmarta bartamaha magaalada oo meelmihii ugu danbeeyay leysaga gudbayay Doomo ay ku deeqeen gaar ka mid ah hay’addaha samafalka ayaa hadda u muuqata mid dhaq-dhaqaaqeedii dadka iyo gadiidku uu dib u soo noqonayo kaddib markii ay intoodii badneyd isaga baxeen daadadkii ku soo fatahay.

Dadka qaar ayaa la arkayay iyaga oo lugeynaya Waddada Laamiga ah bal is ay u soo eegaan guryahoodii ay mudaba barakaca uga maqnaayeen, laakiin wali waxaa jira qeybo badan oo ka mid ah magaalada oo ay adag tahay in leysaga goosho.

Rajada bulshada ku dhaqan reer Beledweyne ayaa hadda ah mid wanaagsan, madaama dhinaca Itoobiya aan laga soo sheegin wax biyo ah, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda dib u soo guryo noqdaan dadkii isaga barakacay magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]