4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2018
Jaaliyaddo Soomaaliyeed oo lacago ugu deeqay dadka ay fatahaadu ku dhufatay ee Beledweyne


Jicmo, May, 18, 2018 (HOL) – Iyadoo wali uu soconayo gurmadka loo fidinayo dadkii ku barakacay Fatahaada Wabiga Shabeele ee magaalada Beledweyne ayeey Shirkadda Xawaallada Amaana gaarsiisay Boqolaal qoysas ah deeq lacageed oo ka timid Jaaliyaddo Soomaaliyeed.

Deeqdan lacageed oo ka kala timid Jaaliyadaha dalalka Sweden gaarn ahaan magaalada Nesto, Australia magaalada Berto iyo dalka Mareykanka magaalada Virginia ayaa la garsiiyay qoysaskii dhawaan ku barakacay dulleedka iyo daafaha magaalada Beledweyne.

Madaxa xarunta shirkadda Amaana ee gobolka Hiiraan Xassan Ibraahim Xalane ayaa Hiiraan Online u sheegay in gargaarkan uu noqonayo kii ugu ballaarnaa oo la soo gaarsiiyo dadka ay fatahaadu saameysay marka la eego cadadka lacagta ay ku deeqeen Jaaliyadahan.

‘’Australia Berto waxaa naga soo gaaray $4240 dollar, Jaalada magaalada Nesto ee isla Sweden waxaa sidoo kale naga soo gaaray $ 6000 oo dollar, iyo Jaaliyada Virginia waxaa ay ku deeqeen 10,000 oo dollar,  ayuu yiri Xassan Ibraahim Xalane.

Deeqdan lacageed ayaa waxaa ka faa’ideystay ilaa 400 Qoys kuwaa oo isugu jira qoysaskii ku barakacay dulleedka magaalada iyo dadka bukaanka ah ee ku jira Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

Gaar ahaan waxaa deeqdan lacageed soo gaarsiiyay shirkadda Amaana shaqsiyaadka kala ah Leylo Maxmuud Caraale, Xassan Xiirey iyo waliba Cilmi Faarax Wabi.

Fatahaadii dhawaan ku dhufatay magaalada Beledweyne ayaa sababtay in ay ka barakacaan guryihiin ay ku noolaayeen Kumannaan qoysas ah oo hadda ku dhibaateysay dhulka sare ee buuraleyda ah xili dhinaca kale  laguda gal-galay bisha Ramadaan oo ay dadku u baahan yihii ay hellaan gargaar dheeraad ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]