10/21/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2018
Duufaan ka kacday qeybo ka mid a h xeebaha Soomaaliya


 

Jimco, May, 18, 2018 (HOL) - Sida ay saadaalinayaan khubarada saadaasha hawada, dabeylo ka kacay gacanka cadmeed ayaa isu beddelay duufaan xoog leh oo saameyn ku yeelatay qeybo ka mid ah xeebaha Somalia.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta - duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Duufaantan ayaa roobab xoog leh ku hoorin doonta maalmaha soo socda xeebaha Somalia, kuwaas oo saakay ka billowday xeebaha Puntland, gaar ahaan Sanaag iyo Heyland.

Mas’uuliyiinta maamullada Somaliland iyo Puntland oo ay roobabkan iyo duufaantan si weyn u saameyn doonaan, ayaa soo saaray digniino ku wajahan dadka ku nool magaalooyinka xeebaha iyo kaluumeysatada, oo looga digayo inay ka fogaadaan dhulka go’dan iyo xeebaha.

Dufaanta iyo roobabkan ayaa laga cabsi qabaa inay keeni karaan dhimasho iyo dhibaato ka soo gaarta Somalia oo todobaadyaddii u dambeeyay meelaha qaar dadku ay la dhibaatoonayeen daadad ka dhashay roobabkii caadiga ahaa oo sanadkan u da’ay si ka badan sidii la filayay.

VOA







Click here
5/18/2018 2:40 PM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Inta la xaqiijinayo ilaa Sideed ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen kaddib toogasho qof hubeysan uu Jimcihii maanta ka geystay dusgi sare oo ku yaalla gobolka Texas ee dalkaan Mareykanka.

5/18/2018 10:35 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Labo ruux ayaa ku dhimatay qof kalana waa la la’yahay kaddib markii ay la tageen daadad ka dhashay roobab duufaanno wata oo ku dhuftay qeybo ka mid ah deegaannada Puntland.

5/18/2018 7:57 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagay meel ka baxsan qaarada Africa Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

5/18/2018 6:40 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Dadka ayaa nafis dareemay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne kaddib markii uu Wabigu bilaabay in uu dib u celiyo daadadkii dhawaan ku fatahay magaalada.

5/18/2018 6:16 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Iyadoo wali uu soconayo gurmadka loo fidinayo dadkii ku barakacay Fatahaada Wabiga Shabeele ee magaalada Beledweyne ayeey Shirkadda Xawaallada Amaana gaarsiisay Boqolaal qoysas ah deeq lacageed oo ka timid Jaaliyaddo Soomaaliyeed.

5/18/2018 2:36 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Senate-ka Maraykanka ayaa markii u horraysay haweenay u idmaday in ay hogaamiso hay'adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, inkastoo ay door ku soo yeelatay barnaamij ay hay'addani fulisay 9/11 oo dadka lagu baarijiray.

5/18/2018 2:30 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kormeer howlleed ku tagey dekadda Muqdisho oo ay ka socdaan howlo isugu jira dhoofka iyo soo dajinta shixdaha kala duwan.

5/18/2018 2:21 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isbitaalka Garoowe ku booqdey Askartii ku dhaawacantay dagaalkii Tukaraq.

5/18/2018 2:12 AM EST
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL) - Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka JFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa looga hadlay dagaaladda maalmihii la soo dhaafay ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq, wax ka qabashada fatahaadaha ay sameeyeen wabiyada dalka iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha kalfadhigan iyo kan xiga horyaala golaha shacabka.