4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 17, 2018
Soomaaliya 27, 600 oo Ardey ah oo la filayo in ay u fariistaan Imtixaanka Shahaadiga

 

Khamiis, May, 17, 2018 (HOL) – Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa ka warbixiyay tirada ardayda u fariisaneysa Imtixaanka Qaran ee Shahaadiga Dugsiga sare, isagoo xusay in Wasaaradda Waxbarashada ay diyaaar garoow xoogan ku jirto.

“Wasaaradda Waxbarshada iyo Hidaha Tacliinta sare waxay ku jirtaa diyaargaroow aad u weyn oo lagu doonayo ka mira dhalinta howlaha Imtixaan, Sida aan hore u shaacinay bishan May ee aan ku jirno 19-keeda waxaa dhamaan ardeyda dhameysaneysa Waxbarshada dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2017/18 ay u fariisan doonaan Imtixaanka Shahaadiga”.ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in 27,600 oo arday ay sanad dugsiyeedkan u fariisaneyso Imtixaanka, iyadoona lagu kala gali doono in ka badan 120 Xarumood oo ka tirsan Gobalka Benaadir iyo Afar Maamul Gobaleed oo kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in 1400 oo arday oo la qorsheynayay inay Imtixaanka Qaran ku galaan Beledweyne uu dib ugu dhacay Fatahaada Wabiga Shabeelle awgiis, isagoo shaaciyay inay dib ka gali doonaan.

“Waxaa iyana xusid mudan in Fatahaada Wabiga Shabeelle dartiis uu dib u dhacay 1400 oo arday oo sanadkaan Imtixaanka dugsiga sare ku gali laheyd Magaalada Beledweyne, waxaan ardaydaa u balanqaadeynaa inuusan dib u dhacaasi saameyn ku yeelan doonin natiijadooda iyo deeqihii waxbarasho ee ay heli lahaayeen hadii ay xaalada caadi kusoo laabatana ay Imtixaankooda gali doonaan”.ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed iyo Waalidiinta meel kasta ay joogaan inay ka qeybqaataan hab sami u socodka iyo fududeynta hawshan Qaran, wuxuuna ugu baaqay Ardayda Imtixaanka galeysa inay la shaqeeyaan oo ay u dhaga nuglaadaan ilaalada iyo kormeerayaasha Imtixaanka iyo sidoo kale ay garabsiiyaan ciidamada qalabka sida ee ku howlan ilaalinta Amniga iyo sugida Goobaha lagu galayo Imtixaanka.

Sanadkan waa sanadkii ugu horeeyay ee Imtixaan Qaran lagu diyaariyo Dalka gudahiisa muddo 27-sano ka dib waana guul usoo hoyatay umadda Soomaaliyeed, Lacagta ku baxeysa Imtixaanka waa markii ugu horeysay oo 27-sano ka dib laga bixiyay Bajadka Dowlada sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]