4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 17, 2018
Askari badbadiyay nolasha dad badan dalka Mareykanka

 

Khamiis, May, 17, 2018 (HOL) – Askari Maraykan ah ayaa badbaadiyay arday badan oo ku sugnayd iskuul ku yaalla gobolka Illinois ee dalka Maraykanka ka dib markii uu arday horay u dhigan jiray uu rasaas ku furay iskuulka, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Saraakiishu waxay sheegeen in Mark Dallas oo ka tirsan booliiska magaalada Dixon in ay iswaydaarsadeen rasaas wiil 19 jir ah oo aan wali magaciisa la shaacinin oo horay looga eryay iskuulka.

Askariga iyo ardayda midkoodna waxba kama soo gaarin israsaasaynta ka dhacday iskuulka Dixon High School.

Wiilka laga shakisan yahay ayaa loo sii qaaday isbitaal isaga oo xaaladdiisu aysan aad u liidanin.

Arrintan ayaa ka dhacday 08:00 markii ay ahayd saacadda deegaanka uu iskuulkaasi ku yaallo oo 160 kiiloo mitir ka xiga galbeedka Chicago, ardayda ayaana isu diyaarinayay xalfadda qallin jabintooda.

Ka dib markii wiilka laga shakisan yahay uu dhawr rasaas ka riday hoolka iskuulka ayuu u orday bannaanka dhismaha halkaas oo ay isakaga horyimaadeen askariga.

Rasaas ayay is waydaarsadeen ardayga ayaa sidaas lagu dhaawacay ka dibna la xiray.

Mas’uuliyiintu wali ma aysan shaacinin ujeedada iyo waxa ardayga ku qaaday ficilkan.

Xigashada Warka BBC