5/26/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 17, 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo xalay kormeer Amniga la xiriira ku sameeyay qeybo ka mid ah Muqdisho


 

Khamiis, May, 17, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga,taliyaha ciidamada Booliiska iyo kan Asluubta Soomaaliyeed ayaa xalay kormeeray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo deegaannada dulleedka ka xiga.

Ra’iisal wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee xarumihii uu booqday, kuwaa oo soo bandhigay baco lagu soo xiray Beyruud la sheegay in laga farsameeyay qaraxyadii xalay laga maqlayay qeybo ka mid ah Muqdisho.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle oo kormeerka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ra’iisal wasaaruhu kormeer shaqo ku tagay qeybo ka mid ah magaalada, isaga oo shacabka ugu laab-qaboojiyay in Amnigu wanaagsan yahay.

“Kormeer shaqo oo uu hoggaaminayay ra’iisul wasaaraha ayaan caawa sameynay, waxaan ka bilownay Saldhiga Karaan ilaa Galgalato, marka waxaan shacabka u sheegayaa inay ku kalsoonaadaan dowladooda iyo ciidankooda, dadka falalka amni daro sameynayo looma dulqaadanayo, talaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa, hadii uu alle idmo.”

Kormeerka ra’iisal wasaaraha ayaa u muuqda mid lagu dhiiri-galinayo ciidamada howlgalka ku jira iyo shacabka Soomaaliyeed oo qaba baqdin ah weerarro ay geysan karaan Al-shabaab inta lagu guda-jiro bisha Ramadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]





Click here
5/17/2018 9:40 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. C/weli Max'ed Cali Gaas oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe kadib markii uu kasoo laabtay shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ee lagu soo gabagabeeyay Baydhabo ayaa ka hadlayo arimo kala duwan.

5/17/2018 8:58 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL) – Shirka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, iyada oogolaha la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo harciga Nakhshadeynta magaalooyinka, waxaana golaha warbixinno siiyay qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galay kulanka maanta.

5/17/2018 7:31 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL) – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay iskugu yeedhay shir-weyne ka kooban xukuumadda, Saddexda Xisbi Qaran, Shir-guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka, madaxweyneyaashii soo maray Somaliland iyo siyaasiyiinta saamaynta ku dhex leh bulshadda.

5/17/2018 6:47 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL)–Dowladda Kuuriyada Koofureed ayaa riixeysa sidii uu u qabsoomi lahaa kulanka la qorsheeyay in uu bisha soo socota dalka Singapore ku dhexmaro madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

5/17/2018 4:46 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL) – Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa ka warbixiyay tirada ardayda u fariisaneysa Imtixaanka Qaran ee Shahaadiga Dugsiga sare, isagoo xusay in Wasaaradda Waxbarashada ay diyaaar garoow xoogan ku jirto.

5/17/2018 4:14 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL)-Waxaa soo baxaya durbaba digniinno la xiriira duufaan lagu magacaabo ONE oo la sheegay in ay ku soo fool leedahay qeybo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada gobollada Waqooyi Galbeed iyo Bari.

5/17/2018 4:01 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Tuka-Raq ayaa sheegay in Puntland diyaar u tahay in ay difaacato dhulkeeda.

5/17/2018 3:20 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL)–Askari Maraykan ah ayaa badbaadiyay arday badan oo ku sugnayd iskuul ku yaalla gobolka Illinois ee dalka Maraykanka ka dib markii uu arday horay u dhigan jiray uu rasaas ku furay iskuulka, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

5/17/2018 12:39 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan bilashada bisha Barakaysan ee Ramadaan u diray Muslimiinta oo dhan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

5/17/2018 12:35 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL)–Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha dowladda Soomaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa sheegay in qaraxyadii xalay laga maqlay magaalada ahaayeen kuwa macmal ah oo aan aheyn madaafiic run ah.