4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2018
Hoobiyayaal ku dhacay caawa qeybo kala duwan magaalada Muqdisho

 

Arbaco, May, 16, 2018 (HOL) – Dhawaqa Qaraxyo xoogan loo maleynayo in loo adeegsanayo Qoriga hoobiyaha ayaa caawa laga maqlayaa qeybo kala duwan oo magaalada Muqdisho ah.

Dad kala duwan oo ku dhaqan degmooyinka, Xamar-Weyne, War-dhiigley, Hodan iyo Howl-wadaag ayaa Hiiraan Online u sheegay in qeybo ka mid ah degmooyinka ku soo dhaceen madaafiic aan la garaneynin halka laga soo tuuray.

Sidoo kale waxaa jira weeraro Bambaanno oo lagu qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Howl-wadaag.

Qaraxyadan ayaa imanaya iyadoo loo diyaar-garoobayo habeenkii koowaad ee bisha Ramadaan, dhinaca kalana dowladdu sare u qaaday Amniga guud ahaan gobolka Banaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]