4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2018
Saddexda xisbi Qaran ee Somaliland oo si wada jir ah uga hadlay dagaalkii Tuko-raq

 

Arbaco, May, 16, 2018 (HOL) – Saddexda xisbi Qaran ee Somaliland, ayaa maanta si wada jir ah eedeen usoo jeediyey ciidamada Puntland oo ay sheegeen inay weerareen ciidanka Somaliland.

Saddexda xisbi ayaa sheegay inay taageerayaan ciidamada Somaliland ee jiida hore, waxaana dagaalkaasi shalay dhacay ku eedeeyeen dawlada Soomaaliya inay ka dambaysay.

“Saddexda xisbi qaran hadaanu nahay waxaanu muujinaynaa in aanu meel uga soo wada jeesanay gardarada qaawan ee ciidamadda dawlada Soomaaliya kula kacay ciidanka Somaliland, aad baan uga xunahay in dhiig shifo sharci daro ah loo daadiyo”ayuu yidhi afhayeenka xisbiga WADDDANI Ibraahim Mahdi Buubaa .

Sidoo kale, gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga UCID Maxamuud Cali Jiir ayaa dagaalkaasi ku tilmaamay gardaro lagu soo qaaday ciidanka Somaliland, waxaanu yidhi “Ma doonayno in Dadweynaha reer Garoowe qaxaan, laakiin hadii mar dambe gaadmo iyo gardaro ku soo qaadaan ciidamada Somliland ee jiida hore in ciidanku dhaqaaqi doono, wuu tagi doonaaomeelaha laga soo abaabulay”.

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga taladda haya ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere ayaa isna sheegay in dagaalkaasi gardaro ahaa,isla markaana dhawr iyo labaatan jeer ku soo qaadeen Ciidamada Somaliland.

Dagaalkii shalay ka dhacay Tuko raq ayaa la sheegay in khasaaro badan dhaliyey, balse labada dhinac midkooda faahfaahin kama bixin dhibaatadda rasmiga ah ee halkaasi ka dhacay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.