4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2018
Qiyaastii 1.2 Milyan oo ruux oo ku barakacay fatahaad ku dhufatay qeybo ka mid ah Bariga Africa

 

Arbaco, May, 16, 2018 (HOL) – Qiyaastii 1.2 Milyan oo ruux ayaa lagu waramayaa in ay saameyn adag oo dhinaca nolasha ah ku yeesheen daadad ka dhashay roobab culus oo ka da’ay qeybo ka mid ah dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya,

Hay’adda World Vision International ayaa sheegtay in daadadka ka dhashay roobabka da’aya saameeyeen guryihii ay ku noolaayeen qoysaskan, goobihii waxbarashada iyo ganacsigii dadweynaha, iyadoo dadka barakacay ay hadda ku jiraan Teendhooyin iyo Baco laga farsameeyay guryo ku yaala dhul sare.

Stephen Omollo, oo ah madaxa World Vision ee Bariga Afrika ayaa sheegay in kooxaha gargaarka deg-degga ah ee hay'adaha samafalka ay wadaan gurmad loo sameynayo dadkan, gaar ahaan wax ka qabashada baahiyaha gaarka ah.

"Iyadoo la adeegsanayo jawaab-celinta daadadka ee dalal badan, waxaan ka shaqaynaynaa xaqiijinta helitaanka cuntada, biyaha, hoyga iyo faya-dhowrka," ayuu yiri Omollo.

Sida laga soo xigtay World Vision, 718,000 qof oo ay saameeyeen dadkan 220,000 ka mid ah waxaa ay ku barakaceen gudaha dalka Soomaaliya Soomaaliya, 170,000 Itoobiya halka 311,000 oo kalena ay ku barakaceen fatahaadaha Kenya.

"Boqolaal kun oo carruur ah ayaa halis dhinaca nolasha ah ku jira, ma heystaan ​​cunto, ma heystaan biyo nadiif ah oo ay cabaan, dugsiyadooda ayaa wax-yeelloobay, waalidkoodna uma heli karaan nolal maalmeedka" ayuu yiri Omollo.

Wuxuu sheegay in hay’adda World Vision ay u qaybinayaan xeryahay ay dadkan ku barakaceen, bustayaal, dhar, qalab wax lagu karsado iyo xirmooyinka nadaafadda ee qoysaska daadadku saameeyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]