3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2018
Goobaha laga cunteeyo oo la mamnuucay inta lagu guda jiro bisha Ramadaan

 

Arbaco, May, 16, 2018 (HOL) – Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay in maqaayadaha la furo oo cunto lagu kariyo maalinkii oo dadka ay sooman yihiin, inta lagu guda bisha Ramadaan.

Dowladdaha Muslimka ayaa ayaa xalay fiidkii soo geba gebeeyay raadinta bilashada bisha Ramadaan, waxayna sheegeen in maanta oo Arbaco ah ay tahay 30-ka Shacbaan, sidoo kale wadamadan isku raaceen in maalinta Khamiista ah tahay  maalinta Koowaad ee bisha Ramadaan.

Xog-hayaha guud ee Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamed Khayroow Xasan ayaa Maamulka gobolka Banaadir iyo maamulada dalka ka jira ka codsaday in ay talaabo ka qaadaan soona qabtaan dadka cuntada u kariya kuwa aan soomin bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Waxaan ka digeynaa in iyadoo Ramadaan ah maqaayadaha maalinkii la furo laguna kariyo cunto, waxaan maamulka gobolka Banaadir iyo maamulada dalka jira ka codsaneynaa in ay la xisaabtamaan dadka falalkaas geysta, way shaqeysan karaan maqaayadaha afurka ilaa saxuurta.” ayuu yiri Xog-haye Kheyrow.

Dhinaca kale Sheekh Maxamed Khayrow Xasan Xoghayaha guud ee Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa Hay’adaha ammaanka ka dalbaday in ay ka hortagaan waxyaabaha maanka dooriya ee dalka la soo geliyo sida Qamriga iyo wixii la mid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/16/2018 1:43 PM EST
Arbaco, May, 16, 2018 (HOL)–Dhawaqa Qaraxyo xoogan loo maleynayo in loo adeegsanayo Qoriga hoobiyaha ayaa caawa laga maqlayaa qeybo kala duwan oo magaalada Muqdisho ah.

5/16/2018 10:31 AM EST
Arbaco, May, 16, 2018 (HOL)–Saddexda xisbi Qaran ee Somaliland, ayaa maanta si wada jir ah eedeen usoo jeediyey ciidamada Puntland oo ay sheegeen inay weerareen ciidanka Somaliland.

5/16/2018 9:16 AM EST
Arbaco, May, 16, 2018 (HOL)–Waxaa goor dhaw lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay shirkii madaxda dowlad gobolleedyada dalka.

5/16/2018 7:46 AM EST
Arbaco, May, 16, 2018 (HOL) –Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa billowday dhismaha Xarunta Is-weydaarsiga Internet-ka (Internet Exchange Point) ee magaalada Muqdisho (MogIX), taas oo fududeyn doonta in shirkadaha bixiya adeegyada internetka ay isku xirmaan, isla markaana isku weydaarsadaan xogtooda.

5/16/2018 6:28 AM EST
Arbaco, May, 16, 2018 (HOL)–Inta la ogyahay 18 ruux ayaa ku dhimatay dad kale oo baddana waa ay hoos xanniban-yihiin kaddib markii ay waddo dhulka ka sarraysa ku duntay magaalada Varanasi ee dalka Hindiya.

5/16/2018 4:17 AM EST
Arbaco, May, 16, 2018 (HOL)–Rasaas aan badneyn ayaa wali laga maqlayaa Aagaga ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo maalintii shalay ku dagaalamay deegaanka Tuka-Raq ee gobolka Sool.

5/16/2018 3:18 AM EST
Muslimiinta dagan Maraykanka ayaa sanadkaan wajahaya in la kala soomo bisha Ramadaan iyadoo aduun waynaha islaamku sheegeen in bisha ay bilaaban doonto Khamiista ayaa xalay fiidnimadii danbe ku dhawaad 11:00 Fiidnimo xiliga Minnesota Culumodiin dagan Magaaladda Califonia ay sheegeen in ay arkeen dhalashada bisha Ramadaan.

5/16/2018 1:28 AM EST
Arbaco, May, 16, 2018 (HOL)–Qiyaastii 1.2 Milyan oo ruux ayaa lagu waramayaa in ay saameyn adag oo dhinaca nolasha ah ku yeesheen daadad ka dhashay roobab culus oo ka da’ay qeybo ka mid ah dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya,

5/16/2018 12:36 AM EST
Arbaco, May, 16, 2018 (HOL) – Shirweynaha Qaran ee Daahfurka Dib-u-Eegista Dastuurka, oo ay ka soo qayb galeen qeybo kala duwan ee kala matatalaya Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Garsoorka, Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, Dhallinyarada, Haweenka, Bulshada Rayidka, Ururadda Xirfadleyda, Culumaa’udiinka, Qurba-joogta Soomaaliyeed, Dadka Baahiyaha gaarka qaba, Odayaayasha Dhaqanka iyo xubnaha beesha Caalamka waxay ku kulmeen Hotel Royal Palace taariikhda 13ka – 15ka Maajo 2018, Muqdishu – Soomaaliya.

5/16/2018 12:29 AM EST
Arbaco, May, 16, 2018 (HOL)- War qoraal ah oo ka soo baxay wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobey Michael Keating ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaalka deegaanka Tuka-Raq ee gobolka Sool.