3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2018
Maxaa looga hadlayaa shirka Baydhabo uga socda madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada

 

Isniin, May. 14, 2018 (HOL) – Waxaa maanta magaalada Baydhaba ee xarunta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ka furmay shirka golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyad Soomaaliya, kuwaasi oo halkaasi gaaray shalay, sheegayna inay ka arrinsanayaan arrimaha khuseeya maamuladooda.

Shirkan oo uu marti geliyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa madaxda dowlad goboleedyada waxaa ay sheegeen in shirkan looga arrinsasanayo arrimo ay kamid yihiin amniga iyo sidii ururka Alshabaab looga xoreyn lahaa deegaanada ay heystaan.

Arrimaha amniga oo ay ka qeybgalayaasha maanka ku hayaan ayaa waxaa jiray shir dhawaan lagu qabtay Belgium-ka, halkaas oo uu ka qeybgalay Ra'isulwasaare Xassan Cali Kheyre, balse madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan hadlay ayaa sheegay in dowlad goboleedyada aanan shirkaas lagu martiqaadin.

Madaxda ayaa waxaa kale oo ay intaa ku dareen in sidoo kale ay ka arrinsanayaan qeybsiga kheyraadka dalka iyo in ula-jeedada ugu weyn ee laga leeyahay shirkan ay tahay sidii wax iyaga ay isku waafaqsanyihiin ay ula hortagi lahaayeen dowladda federaalka, sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da.

Furitaanka shirka ayaa madaxda waxaa kale oo ay xuseen in doorashooyinka la filayo in Soomaaliya ay ka dhacaan sannadka 2021-ka ay qeyb ka yihiin ajendaha shirka.

Ma jirin cid ka socotay dowladda federaalka oo ka qeyb gashay shirka Baydhabo, waxaana shirkan uu imaanaya iyadoo bishii Maarso loo ballansanaa shir ay ka wada qeyb geli lahayeen madaxda maamulada iyo dowladda federaalka, kaasi oo la filayay inuu ka dhaco isla magaalada Baydhaba, lana doonayay in looga hadlo ammaanka dalka. Lama oga sababta uu shirkaas u baaqday.

Xiriirka qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aan wanaagsaneyn, kadib markii ay isku khilaafeen go'aanka dowladda dhexe ay ka qaadatay khilaafka qaar kamid ah dalalka carabta.

Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Islaam, Axmed Madoobe oo dhawaan booqasho ku tegay dalka Imaraatka ayaa markii uu dib ogu laabtay magaalada Kismayo waxaaa uu sheegay in dowladda federaalka ay dhinac uga weecatay go'aankii dhexdhexaadnimada ee ay ka qaadatay khilaafka ka jira dalalka khaliijka.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas oo ah guddoomiyaha golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa dhawaan mar uu booqasho ku tegay dalka Imaraatka waxaa uu madaxda Imaraatka ka codsaday inay sii wadaan taagerada ay u fidinayaan dowladda Soomaaliya.

Hadlka madaxweyne Gaas ayaa yimid, iyadoo xiligaasi dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ay sheegtay inay joojinayso iskaashiga milateri ee ay la leedahay Soomaaliya.

BBC













Click here
5/14/2018 11:00 PM EST
Isniin, May. 14, 2018 (HOL)–Shirkadda BECO aya shaacisay in ay qiimo dhismis ku sameysay adeegeedii Korontada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

5/14/2018 2:32 PM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL) - Dowladd Mareykanka ayaa si rasmi ah safaaraddeda uga soo rartay magaalada Tel Aviv, una guurisay magaalada Qudus maanta, in kasta oo 37 Falastiiniyiin ah lagu dilay, boqolaal kalena lagu dhaawacay rabshado ka dhacay xadka Gaza.

5/14/2018 11:32 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Doxa ayaa kulan la yeeshay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

5/14/2018 10:12 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL) – Mudaharaad balaadhan oo xidhay inta badan wadooyinka magaalada Ceerigaabo ee Caasimada Gobolka Sanaag, kaas oo ka danbeeyey kadib markii warkeeda la soo gaadhsiiyey Sarkaal ciidanka Somaliland ka tirsanaa oo gaadiid iyo ciidan la goostay in lagu weeraray duleedka Ceel-afweyn.

5/14/2018 9:10 AM EST
Iniin May, 14 2018 (HOL) – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay sababta dabaaldega 18 may looogu soo raray 15-ka May iyo Guud ahaan taariikhda Somaliland soo martay, waxaanu shacabka ku hambalyey 27 guuradda ka soo wareegtay madax banaanidda Somaliland. Sidoo kale, waxa uu fariin u direy dawladda Soomaaliya oo uu sheegay in hadii midnimadii socon wayday la isku tixgaliyo in la ahaado labadawladood oo siman.

5/14/2018 8:35 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL)–Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka soconaya shir halkaa maanta uga furmay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Soomaaliya.

5/14/2018 7:50 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL)–Degmada Kaxda oo ah degmada ugu da’da yar guud ahaan marka la eego gobolka Banaadir, ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu daah furyay guddi nabadeyn ah oo yeelaneyso degmada.

5/14/2018 5:28 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL) – Wasiirka wasaarradda arrimaha dibeda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise ayaa ka guddoomay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya deeq lacageed oo dhan 1.5 million oo dollar oo loogu tala-galay in lagu caawiyo dadka ay fatahaaddu ku dhufatay ee Soomaaliyeed.

5/14/2018 3:42 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL)–Mareykanka ayaa sidii oo horay uga dhawaaqay Donald Trump ayaa maanta u raraya saafaradiisa Talviiv magaalada Qudus ee dhulka Falastiiyiinta.

5/14/2018 3:03 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL)–Laba qof oo saarnaa mooto ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday xarun booliis oo ku taal magaalada Surabaya, maalin uun kadib markii ay mawjado qaraxyo ah oo dhimasho badan gaystay ay ka dheceen magaalo kutaal dalka Indonesia.

5/14/2018 1:28 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo la socdaan Wasiirka Amniga iyo saraakiisha ciidamada Nabad-sugida ayaa xalay kormeeray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

5/14/2018 1:10 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL)–Xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama Jubbada Dhexe ayaa warbaahinta u soo bandhigay muuqaalka sarkaal sida ay hadalka u dhigeen ka soo goostay maamul gobolleedka Jubbaland.

5/14/2018 12:42 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, halkaas ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadaneysa labo cisho.

5/14/2018 12:31 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL)-Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo shirka madaxda dowlad gobolleedyada oo dhamaantood maalintii shalay halkaa gaaray.