4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2018
Madaxwynaha Soomaaliya oo la kulmay Amiirka Qatar

 

May, 14, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Doxa ayaa kulan la yeeshay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

Kulanka madaxweynaha iyo Amiirka ayaal ooga wada hadlay xiriirka labada dal ka dhaxeeya, iyadoo dowladda Qatar balan qaadya inay sii wadi doono taageerida Soomaaliya.

“Xiriirka aan la leenahay Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Soomaaliya waa xidhiidhka walaaltinimo iyo ixtiraam udhaxeeya, iyo wadahadalkayga aniga iyo walaalkeeyga Maxamed Cabdullaahi Faramago waxa uu xaqiijiyay macnahan kuwaas oo diirada saaraya siyaabaha loo wanaajinayo iskaashiga ka dhexeeya labada dal”ayuu yiri Amiirka Qatar.

Waxaa uu sheegay in Qatar ay sii wadi doontotaageeridda midnimada Soomaaliya, xasiloonida, madaxbanaanida iyo wanaagga dadkeeda.

Booqashada madaxweyne Farmaajo ee dalka Qatar oo noqoneysa tii labaad ee uu tago dalkaas ayaa imaneysa xili uu taagan yahay wali khilaaf u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka oo markiisii horeba ka soo bilaawday khilaafka soo kala dhaxgalay wadamada Khaliijka oo ay dowladda Soomaaliya ka qaatay go’aan dhaxdhaxaadnimo ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]