4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2018
Muuse Biixi oo baaq u diray dowladda Soomaaliya

 

Isniin,  May, 14 2018 (HOL) – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka  hadlay sababta dabaaldega 18 may looogu soo raray 15-ka May iyo Guud ahaan taariikhda Somaliland soo martay, waxaanu shacabka ku hambalyey  27 guuradda ka soo wareegtay madax banaanidda Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu fariin u direy dawladda Soomaaliya oo uu sheegay in hadii midnimadii socon wayday la isku tixgaliyo in la ahaado laba
dawladood oo siman.

Mar uu ka hadlayey arrinta khilaafka keentay ee dabaaldegii 18 May loogu soo raray 15 May waxa uu yidhi “ sababta 15-ka bisha May  loogu soo raray in la dabaaldego, waxay 18-ka May ku beegan tahay waa Jimce, waana Ramadaan, sidaad darteed mar haddii kollayba ay Jimce tahay oo la rari lahaa, waxaanu go’aaminnay inaanu debbaal-degga 15  May ka dhigno ayaanu go’aaminnay. 18-kuna waa ciiddeedii oo waa halkeedii, fasaxeediina way ahaanaysaa, wixii duco iyo Allah bari ahna waynu qabsan. doonnaa,”

Sidoo kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ku dheeraaday horumarka ay Somaliland gaadhay mudda 27-ka sano ah ee ay jirtey, isaga shacabkana ku bogaadiyey guulaha ay gadh-wadeenka ka yihiin ee dalku ku tallaabsaday, waxanu yidhi “Dhammaanba bulshada reer Somaliland, gudo iyo dibadba meel ay joogtoba waxan ku hambalyeynayaa 27-guurada kasoo wareegtay lasoo noqoshada xorriyadii Somaliland oo ku beegnayd 18-5-1991-kii, Burco-na lagaga dhawaaqay, Somaliland-na 27-sannadood bay jirtey,Ilaahay baa mahadle, way kortay, way xoogaysatay, way adkaatay, wayna muruqaysay dhinac walba, xagga bisaylka siyaasadda, horumarka dhaqaalaha, caafimaadka iyo waxbarashadaba in badan bay hano qaadday, wax badanina waa u qabyo, adduunyaduna waa tiro Sagaal ah oo ma Tobnawdo, mar walbana wax baa dhiman, Bani’aadamkuna waxa uu u nool yahay inuu qabyadaas uun gufeeyo oo kab-kabo, markaa innagu in badan baynu qabsannay, in badanina way inoo hadhay, insha Allah-na tacabkana weynu wadi doonnaa, dadkeena oo isjeclaada iyo barwaaqo aynu gaadhno ayaan Ilaahay ka rajaynayaa.” Sidoo kale, waxa uu fariin u direy Soomaaliya, waxaanu yidhi“Nimanka Soomaaliyeed ee aanu wax wada lahayn ee Muqdisho looga taliyona waxanu ugu baaqaynaa walaaltinimo, wada-noolaansho, is-qaddarin iyo is-xurmayn laba dawladood oo walaalo ah,”

Maalinta Barri bishu tahay 15 May ayaa dhamaan gobolada oo dhan laga xusi doonaa 18 May, waxaana saddex cisho hore loogu soo raray maalintii la xusi lahaa ayaa ku beegan maalin soon ah, sidaas darteed ayey xukuumaddu go’aansatay in 15 May la xuso, inkastoo ay ku gacan saydheen xisbiga WADDANI oo isagu sheegay inuu u dabaaldegi doono 18 May oo ah maalinteeddii.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.