4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2018
Mareykanka oo maanta Isniin ah safaarad ka furanaya Qudus

 

Isniin, May, 14, 2018 (HOL) – Mareykanka ayaa sidii oo horay uga dhawaaqay Donald Trump ayaa maanta u raraya saafaradiisa Talviiv magaalada Qudus ee dhulka Falastiiyiinta.

Tiro badan oo dadka reer Falastiin ah ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Qudus oo maanta lagu wado in uu safaarad ka furto Mareykanka,waloow ay jiraan muran ku aadan tallaabadaasi uu qaaday  madaxweyne Donald Trump.

Madaxda Israa’iil ayaa ku faraxsan furitaanka Safaaraddaasi ,halka dadka reer Falastiin iyo guud ahaan Madaxda Islaamka ay cambareeyeen qorshaha Qudus loogu  aqoonsanayo caasimad ay leeyihiin dadka Yuhuudda..

Xaflad lagu maamuusayo furitaanka safaaradda ayaa socota,waxaana la xaqiijiyay in dalal badan oo Yurub ah ay diideen ka qeybgalka xafladdaasi.

Saraakiil ka tirsan Mareykanka ayaa maanta oo Isnin ah ka qeybgalaya xafladda furitaanka,xunahaas ka qeyb-galaya waxaa kujira gabadha uu dhalay Trump iyo Seygeeda.

Go’aanka Trump ee safaaradda Mareykanka uu uga soo raray Talviv,waxa uu caro ku abuurtay dadka reer Falastiin iyo guud ahaan shacuubta Caalamka Islaamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]