3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2018
Weerar ismiidaamin ah oo mar kale goor dhaw ka dhacay dalka Indonesia

 

Isniin, May, 14, 2018 (HOL) – Laba qof oo saarnaa mooto ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday xarun booliis oo ku taal magaalada Surabaya, maalin uun kadib markii ay mawjado qaraxyo ah oo dhimasho badan gaystay ay ka dheceen magaalo kutaal dalka Indonesia.

Saraakiil booliis ah ayaa lagu dhaawacay qaraxa, kaas oo dhacay 8:50 saacadda dalkaas, balse ma cadda tirada saxda ah ee dadka ku waxyeeloobay qaraxa.

Kooxda iskumagacawda dowladda Islaamiga ah ayaa shegatay in ay ka dambaysay weeraradaas.

Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa ku tilmaamay weerardaas kuwo fulaynimo ah oo biniaadanimada ka baxsan.

" Majiri doono wax gorgortan ah oo aan ka galayno ina aan tallaabo ka qaadno oo aan ka hortagno argagixisada" ayuu yiri madaxweyne Joko Widodo.

Wali lama hubo in weeraradani ay yihiin kuwo la xiriira qaraxyadii dadka badani ay ku dhinteen ee axaddii dhacay.

Afhayeen u hadlay booliiska bariga Java oo lagu magacaabo Frans Barung Mangera ayaa sheegay in aan wali lasoo saarin faahfaahin dhammaystiran oo la xiriirta dhacdadaan, asagoo sababta ku sheegay in ay wali baarayaan dadka halkaas ay waxyeelladu kasoooo gaartay.

Xigashada Warkan : BBC













Click here
5/14/2018 11:16 PM EST
Isniin, May. 14, 2018 (HOL) – Waxaa maanta magaalada Baydhaba ee xarunta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ka furmay shirka golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyad Soomaaliya, kuwaasi oo halkaasi gaaray shalay, sheegayna inay ka arrinsanayaan arrimaha khuseeya maamuladooda.

5/14/2018 11:00 PM EST
Isniin, May. 14, 2018 (HOL)–Shirkadda BECO aya shaacisay in ay qiimo dhismis ku sameysay adeegeedii Korontada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

5/14/2018 2:32 PM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL) - Dowladd Mareykanka ayaa si rasmi ah safaaraddeda uga soo rartay magaalada Tel Aviv, una guurisay magaalada Qudus maanta, in kasta oo 37 Falastiiniyiin ah lagu dilay, boqolaal kalena lagu dhaawacay rabshado ka dhacay xadka Gaza.

5/14/2018 11:32 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Doxa ayaa kulan la yeeshay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

5/14/2018 10:12 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL) – Mudaharaad balaadhan oo xidhay inta badan wadooyinka magaalada Ceerigaabo ee Caasimada Gobolka Sanaag, kaas oo ka danbeeyey kadib markii warkeeda la soo gaadhsiiyey Sarkaal ciidanka Somaliland ka tirsanaa oo gaadiid iyo ciidan la goostay in lagu weeraray duleedka Ceel-afweyn.

5/14/2018 9:10 AM EST
Iniin May, 14 2018 (HOL) – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay sababta dabaaldega 18 may looogu soo raray 15-ka May iyo Guud ahaan taariikhda Somaliland soo martay, waxaanu shacabka ku hambalyey 27 guuradda ka soo wareegtay madax banaanidda Somaliland. Sidoo kale, waxa uu fariin u direy dawladda Soomaaliya oo uu sheegay in hadii midnimadii socon wayday la isku tixgaliyo in la ahaado labadawladood oo siman.

5/14/2018 8:35 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL)–Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka soconaya shir halkaa maanta uga furmay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Soomaaliya.

5/14/2018 7:50 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL)–Degmada Kaxda oo ah degmada ugu da’da yar guud ahaan marka la eego gobolka Banaadir, ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu daah furyay guddi nabadeyn ah oo yeelaneyso degmada.

5/14/2018 5:28 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL) – Wasiirka wasaarradda arrimaha dibeda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise ayaa ka guddoomay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya deeq lacageed oo dhan 1.5 million oo dollar oo loogu tala-galay in lagu caawiyo dadka ay fatahaaddu ku dhufatay ee Soomaaliyeed.

5/14/2018 3:42 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL)–Mareykanka ayaa sidii oo horay uga dhawaaqay Donald Trump ayaa maanta u raraya saafaradiisa Talviiv magaalada Qudus ee dhulka Falastiiyiinta.

5/14/2018 1:28 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo la socdaan Wasiirka Amniga iyo saraakiisha ciidamada Nabad-sugida ayaa xalay kormeeray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

5/14/2018 1:10 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL)–Xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama Jubbada Dhexe ayaa warbaahinta u soo bandhigay muuqaalka sarkaal sida ay hadalka u dhigeen ka soo goostay maamul gobolleedka Jubbaland.

5/14/2018 12:42 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, halkaas ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadaneysa labo cisho.

5/14/2018 12:31 AM EST
Isniin, May, 14, 2018 (HOL)-Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo shirka madaxda dowlad gobolleedyada oo dhamaantood maalintii shalay halkaa gaaray.